Telefishanka Aljazeera oo Baahiyay Dood Kulul oo Lagu Faaqiday Heshiiska Somaliland & Itoobiya 

Hargeysa(GNA)- Telefishanka Aljazeera, ayaa caawa baahiyay dood ku saabsan walaaca Soomaaliya ka muujisay heshiiska isfaham ee la xidhiidha saldhiga badda ee ay kala saxeexdeen Jamhuuriyadda Somaliland iyo Itoobiya. Kaasi oo murgiyay cilaaqaadkii Soomaaliya iyo Itoobiya.

 

Barnaamijka Inside Story ee caawa waxa kaloo Tefeshinka Aljazeera kaga hadlay dhawaaqa Soomaaliya ee ku saabsan in la xidho Safaaradda Itoobiya ku leedahay Hargeysa.

 

Doodaas waxa ka qaybgalay Sharmaarke Cali oo ka tirsan kana socday isbahaysiga UK-Somaliland Alliance oo joogay London, Samuel Getachew oo ah dadka axadha siyaasadda Itoobiya iyo Guddoomiyaha Heritage Soomaaliya, Cabdkariim Jaamac.

 

Sharmaarke Cali oo ka mid ah qurbajooga Somaliland ayaa ka warramay muhiimada heshiiska isfaham ee Somaliland iyo Itoobiya u leeyahay labada dal iyo guud ahaanba mandaqada Geeska Afrika.

 

“Heshiiskan is-afgarad waxa ay Somaliland iyo Itoobiya u soo bandhigeen Afrika waxtarka uu leeyahay iskaashigu. Waana mid labada dhinacba ay guulaysteen.

 

Waxaan warraystay Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland dhawr maalmood ka hor, waxaannu ii caddeeyay in dhammaystirka qodobbada heshiiska isfaham farsamo ahaan la dhammaystiray,” Ayuu yidhi Sharmaarke Cali. Wuxuuna ku dooday in Somaliland oo ah dal xasilloon oo dimuqraadi ah uu dastuurkeedu jidaynayo in heshiiskan oo kale la horgeeyo Baarlamaanka, si ay u ansixiyaan, waxaanu xusay la arki doono heshiiska oo aanu noqon doonin mid qarsoodi ah.

 

Sharmaarke waxa uu bayaamiyay inay Somaliland tahay dal jira oo xoriyadiisa hore uga qaatay Ingiriiska 26kii June 1960kii, ka hor iyadoo aan Soomaaliya madaxbannaanida ka qaadan Talyaaniga.

 

“Midowgii Somaliland iyo Soomaaliya wuxuu marka horeba ahaa sharci darro, maadaama oo aan la ansixin sharcigii midowga lagu galay.

 

1961kii markii saraakiishii ka soo jeeday Somaliland ay inqilaabka iskudayeen waxay caddaysay maxkamaddii la horgeeyay in aanay u haynin wax xeer ah oo ay ku xukunto maadaama oo reer Somaliland aanay ansixin midowgii,” ayuu yidhi Sharmaarke Cali.

 

Mar la weydiiyay inuu Hargeysa ka fulayo amarkii Soomaaliya ee ku wajahnaa in la xidho safaaradda Itoobiya, waxaa uu yidhi “Gabi ahaanba xukunka Sooomaaliya kama shaqeeyo Somaliland, waxase hadalka ka soo yeedhay dawladda Muqdisho uu ka mid yahay dagaalka ay ku doonayso inay ku wiiqdo Somaliland. safaaradda ay tidhi ha la xidhanna wax macne ah nooma samaynayso.

 

Dhawaan safiirka Itoobiya ee Hargeysa wuxuu waraaqihiisa aqoonsiga u gudbiyay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, umuu gudbin masuuliyiinta Soomaaliya hadalkooduna malaha wax ka soo qaad.”

 

Sharmaarke Cali oo la weydiiyay su’aal ahayd in isfahamka Somaliland iyo Itoobiya uu dhaliyay inuu is casilo wasiirkii Gaashaandhiga JSL, wuxuu yidhi “Soomaaliya arrintaas waxa ay ka eegtaa dhinaca xun, laakiin fikirkayga waa aragti togan sababtoo ah Somaliland waa dal dimuqraadi ah oo ogol kala fikir duwanaanshaha muwaadiniinta. Shacbiga Somaliland intooda badani way soo dhaweeyeen heshiiska Itoobiya oo waxa ay u arkaan faa’iido Somaliland u soo korodhay. Aqoonsiguna wuxuu muhiim u yahay

Somaliland.”

 

Sidoo kale wuxuu Soomaaliya ugu baaqay inay dawladnimadeeda xasiliso oo ay ka shaqeyso nabada bulshadeeda, inta ay ku foogan tahay Somaliland.

 

Geesta kale, Samuel Getachew, ayaa sheegay in dalkiisa Itoobiya uu yahay waddan kobcaya oo aan bad lahayn, isla markaana ay tallaabo hore loo qaaday tahay inay heshiis la galaan Somaliland.

 

Waxa uu intaas ku daray in Somaliland iyo Itoobiya ay danahooda is weydaarsadeen. Isagoo tusaale u soo qaatay inay Somaliland horeba heshiisyo kale oo ballaadhinta marsadda Berbera ka mid tahay ula galeen dalal iyo shirkaddo, heshiiskanna aanu ka gedisnayn kuwaas hore.

Samuel Getachew wuxuu si adag gaashaanka ugu dhuftay Guddoomiyaha Heritage Cabdikariim Jaamac oo ka socday Soomaaliya oo ku dooday in Itoobiyaba aanay xiligan gacanta ku haynin dhawr gobol oo dalkeeda ka mid ah.

“In waxa ka jira Soomaaliya ee ah in aanay wada xukumin dalkeeda la barbardhigo Itoobiya waa riyo maalmeed iyo wax aan xaqiiq ahayn. Waxa aynu ognahay in Itoobiya ay tahay dawlad si buuxda uga wada talisa dalkeeda oo dhan,” ayuu yidhi Samuel Getachew.

Waxa kaloo uu farta ku fiiqay in dawladda Soomaaliya tahay mid taab gaaban oo aan lala maseyn karin Itoobiya.

Xigasho: Dawan