Madaxweynaha JSL oo cayimay wakhtiga doorashooyinka madaxtooyada iyo xisbiyada

Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa ku dhawaaqay in doorashooyinka madaxtooyada iyo axsaabta siyaasadu ay qabsoomi doonaan 13, November, 2024.

Digreeto uu ku saxeexanyahay Madaxweynaha Somaliland oo kasoo baxday madaxtooyada, ayaa lagu cayimay maalinta rasmiga ah ee ay qabsoomayaan doorashooyinka madaxtooyada iyo axsaabta.

Waxaana lagu yidhi. “In doorashada madaxweynaha, ku-xigeenka madaxweynaha iyo doorashada tooska ah ee asxaabta qaranka la-wada qabto 13-ka bisha November ee sannadkan 2024-ka”

Digreetada madaxtooyada ayaa daba socota digreeto ay guddida doorashooyinku shalay si rasmi ah ugu cayimeen maalinta ay qabsoomyaan doorashooyinku, taasii oo uu madaxwaynuhu faafin rasmi ah ku sameeyay.

Kadib muddo 2 sanno ah oo uu taagnaa buuqsiyaasadeed hadda waxa muuqata in heshiis lagu yahay xiliga ay qabsoomayaan doorashooyinku.