Hargeysa oo lagu soo gabogabeeyey kulan ku saabsan badqabka deegaanka

Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada JSL ayaa soo gabagabaysay kulan lagaga wada-tashnaayey Siyaasada Maareynta Qashinka Dalka kulankan oo laba maalmood socday ayaa lagaga dooday sidii xal Loogu heli lahaa Qashinka Magaalooyinka, waxa sidoo kale laga Dooday sidii loo diyaarin lahaa Sharciga Maareynta Qashinka ee Qaranka.

Kulan Hawleedkan oo ay soo Agaasintay Waaxda Fayo-dhowrka Deegaanka iyo Bilicda Magaalooyinka ayaa waxa lagu Casuumey dhammaan qeybaha kala duwan ee daneeyayaasha ka ah Arrimaha Qashinka.

Ugu dambayntii kulankaasi ayaa ku soo dhamaaday is-fahan, iyadoo loo balamay kulamo kale oo arinta lagaga tashan doona si loo dhameystiro Qorshaha Maareynta Qashinka ee Dalka.