Khayraadka wadanka sida kaluunka, xoolaha, Macdanta Iyo beeraha..W/Q. Axmedyasin M. Jamac

Qoraalka hoose een kaga hadlay xoolaheena ayaa waxaa dib u xasuusiyay horumarkan baaxada leh ee kaluunka lagu qasacadeeyay wadanka

Waxaa aan talo uga soo jeedinayaa in kaluunka badeena laga gurto si aad ah loo ilaaliyo. Waayo Inta la inaga gurto ayaa dib la inooga iibiyaa.

Tuna fish

Maanta waxaan aad ugu farxay oon arkay Somaliland oo kaluunkii tuunaha soo saartay, runtiina ah talaabo hor leh oo ku dayasho mudan. Tani waxay I xasuusisay qoraal aan kaga hadlay xoolaha nool ee dalkeena Iyo sida loogu baahan yahay in shaqo abuur iyo wax soo saar hor leh la sameeyo inagoo ka faaiidaysanayna khayraadka kala duwan ee ilaahay dhulkeena ku manaystay Iyo ciideena hodanka ah ee wax walba oo baxa laga soo saari karo

Qoladan shirkada somtuna waxaan leeyahay Hambalyo, waxaanad bilowdeen arin ku dayasho mudan oo u baahan in ay ganacsatada kale ay ku daydaan.

Waxaan kaloo shirkadan leeyahay magacu malaha wuxuu ku qurux badnaan lahaa SOMALILAND Tuna companyโ€™s. Wax magaca SOMALILAND la socdo. Midabkana halka uu blue ka yahay isna ka fikira inaad midab SOMALILAND ah ka dhigtaan. Fikir uun weeye intaa

Xoolaha wadankeena (SOMALILAND livestock)

Waa maxay kaalinta muhiimka ah ee SOMALILAND ka qaadato hajka oo ah tiir ka mid ah shanta tiir ee islaamka.

Sidaynu ognahay bariga dhexe waa saxare oomane ah oo aan lahayn ama taageerin wax soo saarka xoolaha; sidaas awgeed SOMALILAND Iyo Somalia, Ha u badnaato SOMALILAND ee waxay waligood ahaayeen kuwa ugu badan ee boqollaal sano u dhoofinayay xoolaha wadamada carabta, siiba wadamada khaliijka, gaar ahaan Saudi Arabia .

Qarnigii labaad, xidhiidhka ganacsi ee Carabtu waxa uu ahaa mid si wanaagsan uga hirgalay xeebaha Somalida, siiba Berbera. Xajku waxa uu yahay tiirka ka mida shanta tiir eeย  Islaamka ayaa waxaa sanad walba loo dhoofiyaa malaayiin xoolo ah oo la qalo waqtiga hajka lagu gudo jiro oo dhan.

Noocyada kala duwan ee xoolaha Somalida siiba idaha loo yaqaan Berberi, ayaa weli ah kuwo ay doorbidaan Saudi Arabia Iyo Muslimiinta Xajka gudanaya.

Dekedda Berbera waxay horraantii ilaa badhtamihii 1970-aadkii ka mid ahayd mid hogaamisa dekedaha dunida ee laga dhoofiyo xoolaha nool; si kastaba ha ahaatee 1976kii waxaa bedelay Australia, taasoo hogaanka ku haysay mudo 34 sano ah.ย  Ustaraaliya waa dalka ugu badan ee kula tartamay xoolaha Somaliland ee loo dhoofiyo wadamada Gulf ama GCC, gaar ahaan suuqa dhaqaalaha badan ee KSA. Si kastaba ha ahaatee, markii ugu horreysay ayaa sannadkii 2012-kii tan tirada guud ee dhoofinta adhiga SOMALILANDย  ay kor u dhaaftay ta Australia.

Xooluhu hadda waa silsiladda qiimaha badan ee Somaliland. Wax soo saarka xooluhu waxay ka yihiin 60-65% wax soo saarka guud ee dalka (GDP). Xoola-dhaqatada, gaar ahaan kuwa saboolka ah, 50-80% dakhliga ka soo gala xoolaha, 25-30% wuxuu ka yimaadaa wax soo saarka xoolaha. Idaha iyo riyuhu waxay ka yihiin 91% dhammaan xoolaha laga dhoofiyo, sanadkan 2022 dekedda Berbera laga dhoofinayaa in ku dhawย  3.5 million neef oo ari adhi keliya ah. Iyadoo loo malaynayo celceliska qiimaha dhoofinta ee $80, qiyaasta wadarta qiimaha waxay ka badnaan doontaa $280 milyan. Iyada oo cashuurta dawladdu ku dhowdahay $3.60 neefkiiba, tani waxay la macno tahay dakhliga cashuureed ee dawladu helaysaa inuu yahay 30% dakhliga guud ee dawladda Somaliland.

Suuqyada mudnaanta leh u leh Somaliland waa Saudi Arabia, Yemen Iyo dhawr wadan oo kale oo aan wax badan qaadan, laakiin wax inaga hor joogsanaya inaynu wadamo kale ka iibino si xoolaheenu u noqdaan qaar lagu loolamo iibsigooda, isla markaana keenta in qiimaha xooleheenu uu kor u kaco oo dabadeedna dalkhligeena guud kordho.

Suuqyada dhoofka xoolaha nool ee Somaliland waxa ka mid ah dhamaan wadamada Gulf Cooperation council (GCC), Yemen iyo Masar. Suuqyada kale ee u baahan in laga hawl galo in laga iibiyo xooleheena ee weliba suurtagalka waxaa ka mid ah: Ciraaq, Liibiya, Urdun, Turkiga, iyo Malaysiya Iyo Taiwan.

Muhiimada xoolaheenu u leeyahay caalamka

  1. SOMALILAND waxay suurto gal ka dhigtaa in millions dadka ah ee hajayaa ay helaan adhi udhiya ah oo qiimo jaban ah
  1. Xoolaha marka lagu qalo hajka waxay dawlada sacuudigu hilibkaa badan ku caawisaa 27 dal oo Muslim ah oo ay ku jiraan wadamada geeska Afrika oo aanay SOMALILAND ku jirin
  1. SOMALILAND waxay kaloo ay xoolaha si toos ah ugu dirtaa Yemen, khaliijka Iyo Masar, halka ay si dadban ama meelo kale ay xoolahu u tagaan wadamo kale oo ay ka mid yihiin Qatar Iyo Libya
  1. Waxay door laxaad leh xoolaha SOMALILAND ka qaataan sugnaanta cuntada ( food security ) wadamada Yemen Iyo Saudi Arabia
  1. Laga soo bilaabo sanadii 2012 ayay dekeda Berbera noqotay dekeda laga dhoofiyo xoolaha, iyadoo kaalinta koowaad ka qaaday dekeda Fremantle ee ku taala wadanka Australia
  1. Ma runaysan kartaa in xoolaha intaa leeg uu neef waliba uu lahaa magac u gaara Iyo sumad u gaara
  1. Ma rumaysan kartaa in 10 kii sano ee u danbeeyay aynu Saudi Arabia oo kaliya u dirnay 35 million oo neef

 

  1. Ma ogtahay in aynu dhoofino xoolaha ugu badan ama leenahay xoolaha ugu badan caalamka, balse aynu caano boodhe ka soo dejisano Saudi Arabia Iyo Yemen

 

  1. Iyadoo ay SOMALILAND tahay wadanka ugu badan ee xoolaha dhoofiya hadana barnaamijka nadaafadda iyo Caafimaadka Xoolaha ( The Sanitary and Phytosanitary) uma daryeelno xooleheena sidii la rabay, mana arko aragti qaran oo lagu horumariyo xanaanaynta xoolaha SOMALILAND, Ilaahay baa mahad leh aan cuduro u keenin

 

  1. Ma lihin warshado hilibka Iyo hargaha dhoofiya, waxaan hubaa in qiimaha hilibka iyo hargaha caalamka loo iib geeyo in qiimaha guud uu labanlaab ku noqonayo qiimaha imika neefka lagu iibiyo oo ah ugu badnaan 70 dollars, sidaana uu dakhliga guud ee qaranku ku kordhi karo

 

  1. Ma ogtahay in ku dhawaad โ€‹โ€‹97% xoolaheena loo dhoofiyo Yemen iyo Sucuudiga, iyada oo Sucuudigu qaato in ka badan 86%.

TALOOYIN ama Talo soo jeedin ku socota Ganacsatada Xoolaha nool iyo Maal-gashadayaasha Idaha iyo riyaha. Waa in la helaa beero lagu xanaaneeyo xoolaha oo lagu naaxiyo maadaama ay jiraan fursado maalgashi oo waaweyn oo inay kor u sii kacaan mooyee aan marnaba yaraanayn. Xanaanaynta Iyo naaxinta xooluhu waxay keenaysaa in qiimaha xooluhu kordho iyo in ay xooleheenu ku tartami karaan suuqyada kale ee waaweyn sida Masar Iyo Malaysia.

Waxaynu awoodnaa oo suurto gal ah inaynu samayno warshado hilib oo la dhoofiyo hilib cusub oo la qaboojiyey.

Talo-soo-jeedin ku socota dawlada ama siyaasad-dejiyeyaasha iyo maalgashatada xoolaha ayaa ah in loo baahan yahay in la maalgeliyo isku xidhka gaadiidka ee xoolaha. Waxaa loo baahan yahay in la horumariyo nidaamka darajaynta iyo raadraaca ( grading and traceability system for livestock exports) dhoofka xoolaha. Jawi ganacsi oo aad loo habeeyay oo wax ku ool ah ayaa fududayn kara ballaarinta ganacsiga xoolaha soona jiidan kara maalgashi shisheeye oo badan. Taageero dheeraad ah ayaa loo baahan yahay xogta suuqa ee wakhtiga dhabta ah iyo dadaalka suuqgeynta caalamiga ah.( More support is needed for real time market information and international marketing efforts)

Qiimaha iyo Sicir-bararka ( Prices and Inflation )

sicir-bararka baahsan ee dunida saameeyay ayaa SOMALILAND u si gaar ah oo ba,an u saameeyay, maadaama aanay SOMALILAND haba yaraatee lahayn wax soo saar Iska daa in caalamka loo iib geeyo ee aynaan lahayn mid inaga ina gaadha, waxaan odhan karaa boqolkiiba shan iyo sagaashan ama 95% alaabteena dibada laga keeno ay ku jirto khudaarta, sareenka iyo cuntooyin kale oo aasaasi ah oo aynu inagu beeran karno

Ganacsatada aynu leenahay way badan yihiin, wadanka wada warshedo ayay ka dhigi lahaayeen, tamaandhada wadanka ka soo baxda waa la daadiyaa, sababtuna waxaa weeye in tomaandho jaban la soo dejiyo, waxay samayn lahaayeen wershado yaryar oo tomaandhada Iyo khudaarta inta qasacadeeya, waxay keeni lahaayeen warshado caanaha Iyo diary oo dhan lagu process gareeyo.

We are the biggest livestock exporter and we import caano boodhe Iyo cheese from the deserts

Ahmedyasin Mohamed Jama