Guddiga doorashada Kenya oo goor dhow ku dhawaaqaya natiijada doorashada madaxweynaha

Nayroobi – Guddiga doorashada dalka Kenya ayaa sheegay in maanta ay ku dhawaaqi doonaan natiijada ugu dambeysa ee doorashada madaxweynaha dalka Kenya.

U diyaar garowga ku dhawaaqista ayaa ka socota xarunta qaran ee tirinta codadka ee ku taal caasimadda dalkaasi ee Nairobi.

Madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto ayaa hoggaaminaya tirinta codadka, inkastoo ay aad isugu dhow yihiin musharraxa ahna ra’iisul wasaarihii hore ee dalkaas Raila Odinga.

Taageerayaasha Mr Odinga iyo Mr Ruto oo ku labisan midabada xisbiga, isla markaana ku jira farxad ayaa isugu soo baxay magaalooyinka Kenya si ay u sugaan ku dhawaaqista natiijada doorashada oo uu ku yimid gaabis.

Labada hogaamiye ayaa ku booriyay dadka reer Kenya in ay dulqaad muujiyaan ayna sugaan inta guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka iyo xuduudada ee IEBC uu ku dhawaaqayo natiijada doorashada madaxweynaha shanaad ee dalkaas.

Saraakiisha IEBC ayaa soo gabagabeeyay xaqiijinta codadka xarunta dhaqanka ee Bomas oo ah xarunta ugu weyn ee cod bixinta.