Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL oo xafiiskiisa ku qaabiley Wefti Culus oo ka socday Dawladda Mareykanka

Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed, ayaa kulan muhiim ah la qaatay wefti ballaadhan oo ka socdey Dawladda Mareykanka, oo Dowladda Somaliland xidhiidh aad u wanaagsani ka dhexeeyo.

Ugu horeyn Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL, ayaa weftiga si diiran ugu soo dhoweeyey Xafiiskiisa, isaga oo war bixin dheer ka siiyey xaaladda guud ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo ta madaqanta Geesk Afrikaba.

Wasiirka ayaa ka war bixiyey nabadgelyada buuxda ee ka jirta Jamhuuriyadda Somaliland,taasoo ku timi dedaal iyo isku duubnida shacabka Jamhuuriyadda Somaliland, sidoo kale Wasiirka ayaa weftiga uga waramay horuumarka ay gaadhay Somaliland, Dumuqraadiyada, Doorashooyinka, Xorriyatul-qawlka iyo Nabad ku wada noolaashaha wadamada jaarka la ah Somaliland.
Wasiirka ayaa intaa ku daray in ay Somaliland nabada kala shaqayso wadamada jaarkeeda, iyada oo Jamhuuriyadda Somaliland lagu wada ammaanay guulaha ay ka gaadhay nabada iyo horuumarka.

Weftiga ayaa si weyn ugu mahadnaqay Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo masuuliyiinta kulankan muhiimka ah kala qayb galay, weftiga ayaa Somaliland ku ammaanay nabadgelyada, horuumarka, Dumuqraadiyada iyo Doorashooyinka, waxayna muujiyeen sida Dawladda Mareykanku ay diyaar ugu tahay la shaqaynta Jamhuuriyadda Somaliland, iyada oo waqtigan xidhiidhka Somaliland iyo Dawlada Mareykanka uu meel fiican marayo.

Kulankan Wasiirka waxaa kala qayb galay:
1- Taliyaha Ciidanka Qaranka Sareeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani.
2-Taliyaha Ciidanka Booliska Sareeye Gaas Maxamed Aadan Saqadhi (Dabagale).
3-Taliyaha Ciidanka Asluubta Sareeye Guuto Axmed Cawaale Yusuf (Libaax).
4-Taliyaha Ciidanka Laanta Socdaalka Sareeye Guuto Maxamed Xuseen Faarax (Xiirane).
5-Taliyaha Ciidanka Ilaalada Xeebaha Sareeye Guuto Axmed Hurre Haariye.
6-Taliyaha Ciidanka Dab-damiska Sareeye Guuto Axmed Maxamed Xasan (Sawaaxili).
7-Maayarka Caasimada Hargeysa Cabdikariim Axmed Mooge.
8-Gudoomiyaha Gobolka Maroodi Jeex Maxamed Cilmi Axmed.
9-Maayar Kuxigeenka Caasimada Khadar Axmed Cumar.
Dhinaca Weftiga Mareykanka ah:
1- Ambassador Tibor Nagy, Kaaliyihii hore ee Xoghayaha Arimaha Dibedda Mareykanka ee Afrika, soona noqday Safiirka Mareykanka ee Wadamada Itoobiya iyo Guinea.
2- Ambassador John Peter Pham, Ergigii hore ee gaar ka ahaa Dawladda Mareykanka u qaabilsanaa Sahel Region of Africa.
3- William E. Ward, Taliyihii hore ee Ciidamada Cirka Mareykanka iyo Ciidamada AFRICOM.
4- Joshua Meservey, Madaxa Hay’adda Cilmi Baadhista Mareykanka ee Heritage Foundation.
Delegation Members:
1. Ambassador Tibor Nagy, former United States Assistant Secretary of State for African Affairs, and a former American ambassador to Guinea and to Ethiopia.
2. Ambassador John Peter Pham, former the United States Special Envoy for the Sahel Region of Africa.
3. William E. Ward, a retired United States Army four-star general and former Commander of AFRICOM.
4. Joshua Meservey, Research Fellow, Africa and the Middle East at The Heritage Foundation.
Cabdilaahi Axmed Caarshe
Agaasimaha Warbaahinta iyo Xidhiidhka Dadweynaha ee Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL.