31 Ka Mid Ah Dadka Ka Ergeeyay Sii-deynta Siciid Gahayr: Dhegaha ayaa laga furaystay!

Iyada oo isu soo dhawaynta dadku furan tahay, waxa Maxamed Axmedbeddel oo ka dambeeyay waarka uu Siciid Gahayr ku xidhan yahay 37 cisho ka odayeeyay dad kala geddisan oo heerarka kala duwan ee bulshada leh. Dhammaantood waa la diiday “ergo-diid waa Alle-diid”. Illaa 500 qof toos way ula hadleen Ina Beddel, Wasiirro, ganacsato, abwaanno, xildhibaanno, culimo, garyaqaanno iyo qaybaha bulshada oo dhan ayay ka kooban yihiin.

Waxa ay kala yihiin:
1. Md Cali Xasan Maxamed: Wasiirka horumarinta khayraadka biyaha
2. Md Cabdixakiin Siciid Bustaale: Wasiir ku xigeenka waxbarashada
3. Xildhibaan Barkhad Jaamac Batuun: Wakiillada
4. Xildhibaan Maxamed Abiib Yuusuf: Wakiillada
5. Xildhibaan Xasan Saleebaan Dhuxul (Laabsaalax) : Wakiillada
6. Xildhibaan Mukhtaar Maxamuud Cabdillaahi Diirqadhaadh: Guurtida
7. Xildhibaan Barkhad Maxamed Hurre: Wakiillada
8. Cabdirisaaq Siciid Ayaanle Xoghayaha Guud ee Golaha Wakiillada
9. Xildhibaan Siciid Cabdisamad Cudhay: Degaanka Hargeysa
10. Xildhibaan Cabdirisaaq Wiiwaa: Degaanka Hargeysa
11. Injineer Maxamed Cabdi Haarriye Maayar ku xigeenka Sallaxley
12. Maxamed Cismaan Siciid (Soomaali) Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maalgashiga iyo Wershadaha
13. Maxamed Xasan Dirir: Agaasimihii Guud ee Wasaaradda Biyaha
14. Gaashaanle Siciid Aadan Cabdi
15. Xeerilaaliye Mawliid Cabdi Muuse (Maax)
16. Abwaan Yuusuf Cismaan Cabdulle (Shaacir)
17. Garaad Mustafe Maxamed Cumar
18. Xuseen Xaaji Cabdikariin Xuseen Yuusuf
19. Xuseen Axmed Ducaale (Garyaqaan Mandeella aabbihii)
20. Xaaji Mustafe Cali Ducaale (Mustafe Calideeq)
21. Abwaan Baashe Xasan Maxamed (Baashe (Afdiinle)
22. Maxamed Siddiiq Cabdillaahi (Dhamme): Xoghayaha Arrimaha Bulshada ee Waddani
23. Yoonis Axmed Yoonis: Xoghayaha Caddaaladda ee Waddani
24. Abwaan Siddiiq Maxamed Burmad
25. Cabdiqaaddir Sheekh Axmed Caliweerar
26. Yuusuf Keyse Cabdillaahi: Xoghayaha Warfaafinta UCID
27. Mawliid Muuse Dacar: Ku-xigeenka Guddoomiyaha WADDANI ee Maroodijeex
28. Siciid Aadan Gaaxnuug: Siyaasi iyo hoggaamiye weyn
29. Abwaan Cabdirisaaq Maxamed Cabdillaahi (Oday)
30. Garyaqaan Cabdinajax Axmed Badhyacune
31. Aftax Siciid Jaambiir ku-xigeenka xoghayaha waxbarashada ee WADDANI

La soco magacyada ergada kale

Admin