Sharci ahaan yaa leh maamulka suuqyada ku dhex yaal magaalooyinka?

Waxa Qoray Guuleed Dafac

Qodobka 15 ee Xeerka Ismaamulka Gobolada iyo Degmooyinku, Xeer Lr. 23/2019, waxa uu sheegayaa “Golayaasha Degaannada Degmooyinka ee darajada “A” iyo “B” waxay ka masuul noqonayaan hanashada adeegyada horumarineed ee dhammaan qaybaha dhulka ay degmooyinkaasi ka kooban yihiin (15(1).

Farqadda (2, e) waxa ay taxaysa qaar ka mid ah adeegyada horumarineed oo ay ka mid yihiin “Horumarinta ganacsiga ee heer degmo.” Farqadda 3aad oo sii sharaxaysa waxyaabaha hoos imanaya waxa ay u dhigan tahay sidan:

“Adeegyada ku xusan farqada 2aad ee qodobkan, golayaasha degmooyiinka darajada “A” iyo “B” waxay awood u leeyihiin maamulka, dhismaha, dayactirka iyo daryeelka adeegyadaasi.”

Waxa lala akhrinayaa qodobka 38 (1, c(iii) oo sheegaya in Gudida Hawlaha Guud ee Golayaaasha Deeganadu ay u xilsaaran yihiin “diyaarinta qorsheyaasha dhismaha, dayactirka iyo maamulka dhismayaasha uu leeyahay golaha degaanka ee degmadu.”

Qodobka 40aad waxa uu sii faah-faahinayaa xilal badan oo Golaha Deegaanku leeyahay oo ay ka mid tahay:

b) Kobcinta iyo kor u qaadista kaabayaasha dhaqaalaha sida jidadka magaalooyinka gudahooda.
c) Maamulka, horumarinta iyo kor u qaadista adeegyada Arrimaha Bulshada, sida waxbarashada, Caafimaadka, Beeraha, Xoolaha, Degaanka, Ganacsiga, Nabadgelyada, Laydhka, Biyaha, Igaadhsiinta, Nadaafadda I.W.M ee hoos yimaada awooda golayaasha degaanka ee degmooyinka.
e) Aasaasida suuqyo badeeco, xoolaha iyo Kaluunka
g) Ka hor tagga dhibaatada abaarta, duufaanada, dabka halista ah iyo dhibaato kasta oo wax u dhimi karta dadweynaha.
h) Daad guraynta dadweynaha hadii aafo dhacdo. i) Diyaarinta iyo fulinta barnaamijyada iyo Mashaariicda horumarineed ee heer degmo.

Waxa lala akhriyayaa qodobka 72 , farqadiisa c.

Dawladda Hoose iyada ayaa awood u leh dhulka iyo jidadka magaalada dhexdiisa iyo kala xadaynta iyo ogolaanshaha goobaha ganacsi ee magaalada dhexdeeda. Halka Dawladda Dhexe oo ay Wasaaradda Hawlaha Guud wakiil uga tahay ay awood u leedahay jidadka ka baxsan magaalooyinka. Iyada wasaaradaha kale ay mid walba awood ku leedahay wixii dhul iyo dhisme ah ee ka baxsan magaalooyinka (tusaale beeraha, deegaanka iwm).

Sida ku cad qodobka 34 ee Xeerka Kala-xadaynta Nidaamka Xukuumadda, waxa ay Wasaaradda Hawlaha Guud u xilsaaran tahay dhismayaasha iyo dhulka ay xukuumaddu leedahay oo keliya. Sidaas oo kale waxa ay ku cadahay qodobka 2aad ee Xeerka Maamulka Dhulka Magaalooyinka, Xeer. 17/2001.

Sideedaba xukuumadda iyo golayaasha deeganada hawlohooda la xidhiidha dhulka iyo dhismayaashu si cad ayay u kala xadaysan yihiin. Xukuumaddu waxa ay gaar u leedahay ayay maamulkeeda leedahay oo aanay dawladda hoose shuqul ku lahayn. Dhamaan wixii ka soo hadhay oo ay ka mid yihiin dhulka danta guud, suuqyada, dhismayaasha gaarka loo leeyahay iwm waxa gaar u leh dawladda hoose.

Tixraac:

Waxa aad si fiican uga bogan kartaa 1. Xeerka Ismaamulka Gobolada iyo Degmooyinka. 2. Xeerka Maamulka Dhulka Magaalooyinka, 3. Xeerka Kalaxadaynta Nidaamka Xukuumadda. 3. Dastuurka (qodobada 109 ilaa 112.)