Denmark: suuq dhisnaa 400 oo sano oo gubtay

Dhismaha tariikhiga ah ee Børsen oo xarun u ahaan jirey Suuqa Saamiyada Copenhagen ayaa isku dumay ka dib markii dab qabsaday Talaadadii.

Dhismahan qadiimiga ah oo la dhisay qarnigii 17-aad ayaa ahaa mid ka mid ah dhismeyaasha ugu faca weyn magaalada Copenhagen, waxaana gebi ahaanba cunay holac jilbaha dhulka ugu dhuftay.

Wasiirka Dhaqanka Denmark oo warbaahinta la hadlay ka dib gubashadii Børsen ayaa si tiiraanyo ku dheehan tahay uga hadlay taariikhda ku duugan dhismahan iyo waxa uu uga dhignaa dalkiisa.

“400 oo sano oo hiddihii iyo dhaqankii Denmark ah ayaa horteenna ku basbeelay”, ayuu yiri Engel-Schmidt.

Dhismaha Børsen oo dhidibada loo taagey sannadkii 1625, wuxuu ku yaal hfagaarer qadiimi ah, isagoo wax tuuryo ka yar u jira aqalka Baarlamaanka Denmark, Khasriga Boqortooyada iyo goobo kale oo muhiim ah.

Dhismahan oo markii uu gubanayey hooy u ahaa rugta ganacsiga Denmark, waxay dhanka maamuuska kala sinnaa kaniisddii Notre-Dame ee magaalada Paris oo Iyana sidaan oo kale u gubatey sannadkii 2019.Waxaana xusid mudan in labada dhismeba uu dacyactir ku socdey markii ay gubteen.