Shirkadda Telesom oo ku biirtay nidaamka Caalamiga ah ee ISO

Shirkadda Isgaadhsiinta casriga ah ee Telesom ayaa Shahaadooyin Caalami ah (ISO) lagu siiyay Nidaamyada Tayada Maamulka, Caafimaadka & Badqabka, Dhowrista Deegaanka iyo Amniga Xogta macaamiisha.

munaasibad balaadhan oo ay ugu dabaal-degtay Shirkaddu ayaa lagu qabtay maanta Magaalada Hargeysa, waxaana ka qaybgalay xubno kamida Golaha Wasiirrada ee xukuumadda JSL, Wakiillo caalami ah iyo madaxda shirkaddaasi.

dhamaan ka qaybgaleyaasha Xaflada ayaa u hambalyeeyey Shirkadda Telesom guusha weyn ee ay gaadhay, waxaanay ku booriyeen inay deddaalka sii wado.

Warsaxaafaddeed ka soo baxay Shirkadda ayaa lagu sheegay inay buuxiyeen dhamaan shuruudaha looga baahnaa si ay u helaan shahaadadan caalamiga ah.

Telesom ayaa ah shirkadda Isgaadhsiineed ee ugu weyn Somaliland iyo guud ahaan gobolka marka la qiimeeyo baaxada adeegyada ay bixiso oo ka kooban qaybo badan oo ay bulshadu ku raysay.

Akhri Warsaxaafaddeedka:May be an illustration of text