Hay’ad Caalami ah oo dilka Cabdinasir Dahable ku xidhiidhisay Soomaaliya

“Ka fogaanshaha hawada Muqdisho waxay keeni lahayd badbaado kama dambays ah..”OPS.GROUP

London(GNA)-Hay’ad Caalami ah oo magaceeda la yidhaahdo OPS.GROUP, taasoo ka shaqaysa arrimaha duulimaadyada iyo maamulka gaadiidka Cirka, ayaa dilka Cabdinaasir Xaaji Muuse Dahable ku xidhiidhisay inuu qayb ka yahay khilaafka ka taagan maamulka Hawada Somaliland iyo Soomaaliya ee todobaadyadii u dambeeyey cirka isku-shareeray, kaasoo ay sheegtay haddii uu sii socdo oo aan xal deg deg ah laga gaadhin inay ka dhalan karto khatar amni oo aad u culus, halisna ku abuuraysa bad-qabka Hawada labada Dal.

OPS GROUP oo ah dallad ay ku bahoobeen khubarro iyo aqoonyahanno ku xeel-dheer marinnada cirka iyo shuruucda duulimaadyada Caalamiga ah, ayaa warbixin ay soo saareen Isniintii todobaadkan waxa ay  digniin khad cas  ah ku dul-dhigeen  amniga Hawada Soomaaliya, iyagoo si weyn u cambaareeyey xad-gudubyada Maamulka Xamar ku kacay sababay khilaafka heerka sare gaadhay.

Kooxdan ayaa sheegtay inay Somaliland iyo Soomaaliya labaduba awood u leeyihiin inay maamulaan gaadiidka ku gooshaya Hawaddooda, laakiinse ay mushkiladdu ka dhalanayso marka la siiyo amarro iskhilaafsan waddeyaasha diyaaradaha. Waxa ay xuseen dhacdooyinkii dhacay todobaadkii hore iyo kuwii ka sii horeeyeyba inay walaac weyn ku abuureen guud ahaan daneyayaasha duulimaadyada caalamiga ah.

Kooxdu waxay intaasi ku dartay in aan loo baahnanayn in la siyaasadeeyo isticmaalka Hawada iyo maamulkeeda, loona baahan yahay in xayndaabka xasiloonida lagu soo laabto. Khilaafka  hawada ayey caddeeyeen inuu yimi markii ay Somaliland heshiiska la gaadhay Itoobiya horaantii sanadkan bishii January.

“Bishii January 2024, Itoobiya waxay heshiis la saxeexatay Somaliland, iyada oo asal ahaan ay ku beddesheen isticmaalka dekedaha badda cas inay aqoonsato Somaliland. Arrintaas waxa cambaareeyey Soomaaliya. Soomaaliya, oo ka jawaabtay heshiiskaa ayaa billowday inay xaddiddo dhaqdhaqaaqa  gudaha Somaliland iyadoo loo diidayo in hawada laga soo galo Muqdisho FIR. Taasi waxay keentay in Somaliland ay ku dhawaaqdo inay xaq u leedahay inay maamusho hawadeeda”ayey OPS ku tilmaantay xudunta Khilaafka.

Waxa ay sheegeen in laga soo bilaabo taariikhdaasi khilaafku qarxay dhibaato badan ay la kulmeen duuliyeyaasha iyo Shirkaddaha Diyaaradaha ee mara dhabaha Hawada labada dal. Hay’addu iyadoo warkeeda soo si wada waxa ay farta ku fiiqday in xaaladu ilaa hadda kacsan tahay, soona kordheen dhacdooyin kale oo uga sii dari kara, sida dilka Sarkaalka u dhashay Somaliland ee ka shaqaynayey garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, kaasoo Axaddii todobaadkan lagu dilay Muqdisho.

“Xaaladdu waa kacsan tahay waxaana laga yaabaa inay sii xumaato. Maalintii Axadda oo ay bisha February ahayd 18, waxaa gurigiisa laga helay meydkiisa sarkaal ka tirsan AIS oo u dhashay Somaliland, kana shaqaynayey magaalada Muqdisho. Geeridiisu waxay u muuqataa mid la xidhiidha xaaladdan (maamulka hawada)”ayaa lagu yidhi warbixinta OPS.CROUP oo ku qornayd luuqada Ingiriisiga, laguna baahiyey warbaahin badan iyo mareegta Ururkaasi.

OPS waxay tilmaantay in natiijada ka dhalanaysa khilaafka oo sii xoogaystaa noqonayso inay gaadiidka cirku ka leexdaan Hawada Soomaaliya, taasoo ah arrin sansaankeedu muuqdo “Ka fogaanshaha hawada Muqdisho waxay keeni lahayd badbaado kama dambays ah, haddii ay xaaladdu sidan ku sii socotona waa caqli-gal”

Iyadoo uu todobaadyo socday Khilaafka cusub ee Somaliland iyo Soomaaliya dhanka maamulka Hawadu, kaasoo ku bilowday hirdan diblomaasiyaddeed oo labada dal u dhexeeya tan iyo bishii January, ayaa waxa hadda yimi dilka alle ha u naxariistee Cabdinaasir Dahable oo mar kale xiisada u yeellay waji kale oo xaasaasi ah, taasoo keenaysa inay halis badan waajahayaan muwaadiniinta ka soo jeeda Somaliland ee u shaqo tegay Soomaaliya, gaar ahaan kuwa Xamar ku sugan ee ka shaqeeya goobaha xaasaasiga ah ee ay Xafiisyada Dawladdu kamid yihiin. Waxa la aaminsan yahay in dilka sarkaalkani bilow u yahay caddaadis dheeraad ah oo uu Maamulka Soomaaliya saarayo dadka uu u tuhunsan yahay inay xidhiidh la leeyihiin Somaliland-ta ay dhalasho ahaan uun ka soo jeedaan.

Xigasho: Wargeyska Dawan