Somaliland oo wax ka bedel ku samaynaysa xeerka shaqaaleynta Ajaanibka

Wasiirka Wasaaradda Shaqo-gelinta, Arrimaha Bulshada & Qoyska – JSL, Mudane, Cali Cumar Maxamed [Eng.Cali Xoor Xoor] oo uu wehelinayo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane, Ahmed Hassan Aw Aden ayaa daah-furay kulan hawleed lagu soo bandhigayay wax-kabedal & kaabis lagu samayeeyay nidaamka shaqaalaynta ajaanibta, laguna baahinayay wareegtooyin maamul oo kala duwan oo ay Wasaaraddu ka soo saartay arrimaha shaqadda ee dalka.

Kulanka ayaa waxa ka soo qayb-galay in ka badan 110 ergay oo kala metalayay goobaha shaqadda, qaybo ka mid ah hogaanka Jaalliyaddaha dalka ku nool, madaxda Xidhiidhka Guud ee Ururadda Shaqaallaha & xubno kale.

Kulankan ayay ujeedadiisu ahayd Ka wada-shaqaynta sidii loola tacaali lahaa heerka shaqo la’aanta ee sareeya, shuruudaha codsiga shaqaalaha ajaanibta ah & xakamayntooda, hirgelinta nidaamka daah-furnaanta shaqo-qorista muwaadiinta & fulinta wareegtooyinka maamul iyo habraacyadda la xidhiidha ayaa ka mid ahaa qodobadda guud ee lagu falan-qeeyay intii kullanku socday.

Ugu dambayn, kullanku waxa uu ku soo dhamaaday go’aan kala qaadasho ku salaysan is-afgarad & iskaashi buuxa oo laga yeesho arrimahaasi.6