Masuuliyiin xilka laga qaaday iyo kuwa isku-shaandheyn lagu sameeyey

Madaxwaynaha Somaliland muuse biixi cabdi ayaa maanta xilka qaadis, iskubadal iyo magacaabis ku sameeyay qaarkamid ah agaasimayaasha guud ee wasaarada dawlada
Wallow aan la shaacin wareegtada madaxwaynaha ee uu agaasimayaasha guud qaarkood xilalka kaga qaaday,kuwo cusubna umagacaabay qaarna uu isku badalay ayaa ilo wareedyada lga helayaa waxay sheegayaan in uu xubnahan magaacabay kuwona xilka qaaday.
Madaxwaynaha ayaa xilalkii ka qaaday:
1.Agaasimihii Guud ee Wasaarada Arimaha Dibada JSL Mudane Siciid Axmed Cabdikarim
2.Agasimihii Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Muuse Jaamac Abyan.
3;Agaasimihii Guud ee wasaarada Maalgashiga Maxamed Soomali
Madaxwaynuhu wuxuu magaacabay masuuliyiintan.
1.Mudane Axmed Abokor, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arimaha Dibada JSl.
2.Mudane Mustafe Shiine, Agaasimaha Guud ee Wasaarada Warfaafinta.
3.Mudane Mustafe Cumar, oo hore u ahaan jiray Agaasimaha Guud ee Gaashandhiga, waxa loo badlay Agaasimaha Guud ee Wasaarada Qorshaynta Qaranka.
4; Agaasimaha Cusub ee wasaarada Biyaha Nafiisa Maxamuud Shirwac.
5; Agaasimaha cusub ee wasaarada Gaadiidka iyo horumarinta jidadka Cabdiraxmaan Abdeeq.
Dhanka kale madaxwayne biixi ayaa xilkii ka qaaday gudoomiyihii komishanka tamarta Maxamed faarax Cadare isagoo umagacaabay masuul cusub xasan sheikh maxamuud muxumed suufi in uu ahaa gudoomiyaha komishanka tamarta jsl.