Wasiir Toorno oo Kormeeray goobaha waxbarashada

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐖𝐚𝐱𝐛𝐚𝐫𝐚𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐒𝐚𝐲𝐧𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐚𝐥𝐧𝐝 𝐚𝐲𝐚𝐚 𝐊𝐨𝐫𝐦𝐞𝐞𝐫𝐚𝐲 𝐪𝐚𝐚𝐫 𝐤𝐚 𝐦𝐢𝐝𝐚 𝐃𝐮𝐠𝐬𝐢𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐠𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐚 𝐇𝐚𝐫𝐠𝐞𝐲𝐬𝐚

 

𝐇𝐀𝐑𝐆𝐄𝐘𝐒𝐀 -(GNA)Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska JSL, Mudane Axmed Maxamed Diiriye (Toorno), oo ay weheliyaan Gudoomiyaha Xafiiska Imtaxaanaadka Qaranka, Agaasimayaasha Waaxaha Kormeerka iyo waxbarashada Tooska ah ayaa kormeeray qaar kamida dugsiyada magaalada Hargaysa.

Kormeerkan ayay u jeedadiisu ahayd xog-ogaal u noqoshada sida waxbarashadu uga socoto dugsiyada, ayaa dhammaanba ka bilaabmay magaalada Hargeysa, waxaanay wasaaraddu maanta si rasmiya u kala dirtay kooxaha ka shaqayn doona kormeerka.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Axmed Maxamed Diiriye Toorno, ayaa dugsiyadii ay kormeerka ku sameeyeen fasaladii ay waxbarashadu ka socotay mid mid u galay, isla markaana warbixino ka dhagaystay maamulayaasha dugsiyada iyo ardaydaba.

Kormeerkan ayaa mid ah kormeero kala duwan oo laga fulinaayo dhamaanba dagmooyinka iyo gobollada dalka.