π„π«ππ¨π πšπ§ β€œπ€π«π πšπ π’π±π’π¬πšππš 𝐰𝐞π₯𝐒𝐠𝐨𝐨𝐝 𝐦𝐚 𝐠𝐚𝐚dhi 𝐝𝐨𝐨𝐧𝐚𝐚𝐧 π‘πšππšπŸπ€π¨π¨ππšβ€

π€ππŠπ€π‘π€ (GNA) Madaxweynaha Turkey Recep Tayyip Erdogan ayaa Axaddii sheegay in β€œargagixisada” aysan marna ku guuleysan doonin hadafkooda, saacado kadib markii qarax ka dhacay meel ku dhow xarunta baarlamanka ee Ankara uu dhaawacay laba sarkaal oo boolis ah.

Qaraxa xooggan ee ka dhacay bannaanka Wasaaradda arrimaha Gudaha, oo uu xigay holac ballaadhan, ayaa waxaa laga maqlay dhowr km ka baxsan goobta weerarka.

Mas’uuliyadda weerarka ayaa waxaa sheegtay Kooxda Kurdish-ka ee PKK, oo Turkey iyo xulufadeeda Reer Galbeedka ay u aqoonsan yihiin argagixiso, taasi oo sanado badan wadday dagaal muqaawo oo ka dhan ah Ankara.

Degmada la beegsaday ayaa hoy u ah dhowr wasaarado oo kale iyo baarlamanka Turkey, oo shalay galab dib loo furay, islamarkaana qorshuhu ahaa in Erdogan uu khudbad ka jeediyo.

β€œXaasidka khatarta ku ah nabadda iyo ammaanka muwaadiniinta ma aanay gaadhin hadafkooda, waligoodna ma gaari doonaan,” ayuu Erdogan u sheegay baarlamaanka.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa sheegtay in labada qof ee weerarka fuliyey ay abaare 9:30 am gaari ganacsi ku yimaadeen β€œalbaabka laga galo Agaasinka Guud ee Amniga ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayna fuliyeen weerar bam.”

β€œMid ka mid ah argagixisada ayaa is-qarxiyey. Kan kale waxaa dilay xabbad madaxa looga dhuftay kahor inta aanu helin fursad uu isku qarxiyo,”Waxaa sidaas war-saxaafadeed ku sheegay Wasiirka arrimaha Gudaha Ali Yerlikaya.

β€œLaba ka mid ah saraakiisheena booliska ayaa si fudud ugu dhaawacmay rasaas la is-weydaarsaday, hase yeeshee noloshooda halis kuma jirto,” ayuu ku daray.

Bayaan ay siiyeen wakaaladda wararka ANF, oo ku dhow dhaqaaqa Kurdish-ka, ayey PKK ku sheegtay β€œIn fal naf hurnimo ah lala beegsaday Wasaaradda Arrimaha Gudaha Turkey.”

Kooxda PKK ayaa tan iyo 1984-kii waday muqaawo ka dhan ah dowladda Turkiga, oo galaafatay nolosha tobanaan kun oo qof.

Β 

𝐀𝐅𝐏