𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 oo 𝐤𝐚 𝐣𝐚𝐰𝐚𝐚𝐛𝐭𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧 𝐖𝐇𝐎 soo saartay oo la xidhiidha xarumaha Caafimaadka Laascaanood

𝐇𝐀𝐑𝐆𝐄𝐘𝐒𝐀 -(GNA)Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay in aanay jeclaysan warbixintii ay hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO Khamiistii kaga warbixisay burburka uu dagaalku u gaystay xarumaha caafimaadka Laascaanood.

Qoraal kasoo baxay Wasaarada arrimaha Dibaadda Somaliland ayaa lagu sheegay in ciidamada Somaliland ay dhulka iyo shacabka Somaliland ka difaacayaan argagixiso iyo maleeshiyo beeleed, isla markaana ay sameeyeen dadaal kasta oo lagu ilaalinayo shacabka iyo danta guud.

“Waxaanu samaynay dadaalkasta si aanu u ilaalino noloshada dadka iyo kaabayaasha shacabka oo ay ku jiraan isbitaalada iyo xarumaha adeega caafimaadka, sannado badan ayay dowladu ka shaqaynaysay dhismaha iyo horumarinta xarumahan, waxayna siisay adeeg caafimaad oo balaadhan dadka reer Laascaanood” ayaa lagu yidhi qoraalka.

Waxa lagu sheegay in Somaliland ay ku dadaashay in ay gargaar aadaminimo gaadhsiiso shacabka colaada ku barakacay, isla markaana loo baahanyahay in WHO la shaqayso xukuumadda Somaliland.

“Waxaanu ku dhiirigalinaynaa WHO in ay la shaqayso dowlada Somaliland si dadka colaadu saamaysay ay u helaan adeeg caafimaad” ayaa lagu yidhi qoraalka.

Hay’adda Caafimaadka Adduunka ayaa Khamiistii sheegtay in duqaymo lala beegsaday qaar kamid ah xarumaha caafimaadka Laascaanood ay dhibaato soo gaadhsiiyeen adeegyada caafimaadka.