𝟒𝟎 𝐭𝐚𝐡𝐫𝐢𝐢𝐛𝐞𝐲𝐚𝐚𝐥 𝐚𝐡 𝐨𝐨 𝐥𝐚𝐠𝐮 𝐥𝐚’𝐲𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐱𝐞𝐞𝐛𝐚𝐡𝐚 𝐓𝐚𝐥𝐲𝐚𝐚𝐧𝐢𝐠𝐚

In ka badan 40 qof ayaa la la’yahay kadib markii doon ay saarnaayeen ay ku degtay jasiiradda Lampedusa ee dalka Talyaaniga, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

Masiibadan ayaa Khamiistii dhacday, waxaana ugu yar dadka la laayahay ilmayar oo dhawaan dhashay, sida uu sheegay wakiilka UNHCR ee Talyaaniga Chiara Cardoletti.

Markabkan oo ka soo ambabaxay magaalada Sfax ee dalka Tunisia ayaa waxaa la socday 46 muhaajiriin ah oo u kala dhashay dalalka Cameroon, Burkina Faso iyo Ivory Coast, sida uu qaxiijiyay Flavio Di Giacomo, oo ah afhayeenka hay’adda socdaalka Qaramada Midoobay ee IOM.

Doonta ayaa ku rogmatay dabeylo xooggan iyo mowjado aad u sarreeya, ayuu yidhi. “Qaar ka mid ah kuwa badbaaday ayaa loo qaaday Lampedusa kuwa kalena waxaa lagu soo celiyay Tunisia”.

“Dadka la la’yahay waxaa ku jiray toddobo dumar ah iyo qof aan qaan-gaadhin, dadka badbaaday ayaa dhamaantood ah rag qaangaar ah,” ayuu raaciyay.

𝐀𝐏𝐅.