“𝗣𝘂𝗻𝘁𝗹𝗮𝗻𝗱 𝘄𝗮𝘅𝗮𝘆 𝗸𝗲𝗲𝗻𝘁𝗮𝘆 𝗰𝗶𝗹𝗺𝗶 𝗮𝗱𝗱𝘂𝘂𝗻𝗸𝗮 𝗸𝘂 𝗰𝘂𝘀𝘂𝗯”𝗠𝗮𝗱𝗮𝘅𝘄𝗲𝘆𝗻𝗲 𝗕𝗶𝗶𝘅𝗶

𝗕𝗘𝗥𝗕𝗘𝗥𝗔 -(GNA)Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa Puntland ku eedeeyay in ay doonayso in ay samayso dal ku dhisan hayb qabiil oo aan Soomaaliya iyo Somaliland midna ahayn.

Biixi ayaa sheegay in Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Dani uu doonayo in uu dhibaato Puntland ka jirta ku xaliyo dagaalka Laascaanood.

Waxaanu yidhi.”Ra’ayiga qaladka ahi socon maayo hadii aad ku xalinayso mushkilad gudahaaga ka jirta Sool ayaan ku duulaya, oo gudahaaga baalaayo ka taagantahay, oo aad isleedahay ku xali Somaliland ayaan ku duulaya, khasaare mooye guul kala kulmimayside ogow”.

Waxa uu sheegay in Puntland ay doonayso in ay samayso dal cusub oo aan Soomaaliya iyo Somaliland mid toona, ahayn, oo hayb qabiil ku dhisan taasi oo uu ku tilmaamay mid aan suuragal ahayn.

Waxaanu yidhi.”Huwanta laguu sheegaya waa qayb Al shabaab ah iyo Puntland oo Soomaaliya kamid ah, oo cilmi cusub oo adduunka ku cusub keentay, oo leh si qabiila oo hayba, ayaanu u samaynaynaa dal dhexe oo aan Soomaaliya-na ahayn Somaliland-na ahayn, taasi mid suurogalaysa maaha”.

Madaxweynaha ayaa sheegay in aanay suuragal ahayn in xuduudaha Somaliland oo kali ah la badalo, hadaba garaadada SSC ayaa iyaguna dhankooda doonayo in gobolada SSC ay Somaliland ka baxdo oo Muqdisho laga xukumo hada kadib, taasi oo sal u ah xiisada taagan.