Maxay tahay caqabada baajisay fadhigii golaha Wakiillada

𝗚𝗼𝗹𝗮𝗵𝗮 𝘄𝗮𝗸𝗶𝗶𝗹𝗹𝗮𝗱𝗮 𝗦𝗼𝗺𝗮𝗹𝗶𝗹𝗮𝗻𝗱 𝗮𝘆𝗮𝗮 𝗸𝗼𝗿𝗮𝗮𝗺 𝗹𝗮’𝗮𝗮𝗻 𝘂 𝗯𝗮𝗮𝗾𝗱𝗮𝘆 maanta.

Fadhigii saaka ee golaha wakiilladda Somaliland ayaa saaka baaqday, kadib markii koramka golahaasi buuxsami waayay.

Koramka golaha ayaa sida qaalibka ah ku buuxsama, 42 mudane oo ka mida 82 xildhibaan ee golahaasi ka kooban yahay.

Fadhiyada golaha wakiiladda ayaa maalmihii u danbeeyay u furmi waayey kooram la’aan.

Xildhibaan Cabdikariim Meecaad oo xarunta golaha warbaahinta kula hadlay ayaa sheegay in fasaxa mudaneyaasha oo aan isu dheelitrinayn ay qayb ka tahay koram la’aanta golaha.