𝗗𝗲𝗴𝗺𝗮𝗱𝗮 𝗚𝗮𝗿-𝗮𝗱𝗮𝗴 𝗼𝗼 𝗹𝗮𝗴𝗮 𝗱𝗵𝗮𝗴𝗮𝘅 𝗱𝗵𝗶𝗴𝗲𝘆 𝗯𝗮𝗿𝗻𝗮𝗮𝗺𝗶𝗷𝗸𝗮 𝘁𝗮𝘆𝗮𝘆𝗻𝘁𝗮 𝗰𝗮𝗹𝗮𝗳𝗸𝗮 𝘅𝗼𝗼𝗹𝗮𝗵𝗮

Agaasimaha guud wasaradda xanaanada xoolaha iyo horumarinta Kalluumaysiga Dr. Axmed Cali Maax, ayaa degmada Gar’adag gaar ahaan deegaanka Balan-baal ka dhagax dhigay mashruuca horumarinta iyo tayaynta calafka xoolaha oo ay iska ka shadeen, wasaradda xanaanada xoolaha iyo horumarinta Kalluumaysiga iyo hay’adda FA’O .

Dhagax dhiga mashruucan waxa goobjoog ka ahaa guddoomiye ku xigeenka gobolka Sanaag, maayarka deg Gar’adag, taliyaha saldhiga ee degmadaasi iyo xildhibaano ka tirsan golaha Deegaanka ee degmadaasi, waxaan dhammaan soo dhaweeyeen dhagax-dhiga mashruucan.

Mashruuca horumarinta calafka xoolaha, ee laga bilaabi doono deegaanka Balan-baal waxaa siweyn usoo dhaweyay bulshada Degaanka, waxaanu wax badan ka bedeli doona abaaraha soo noq-noqda, bulshada xoola dhaqatada ah.