Somaliland: Mashruuca Seeraha Aroorri maxaa ka qabsoomay?

𝗠𝗮𝘀𝗵𝗿𝘂𝘂𝗰𝗮 𝗸𝗼𝗿 𝘂 𝗾𝗮𝗮𝗱𝗶𝗱𝗮 𝘄𝗮𝘅-𝘀𝗼𝗼𝗿𝗮𝗮𝗿𝗸𝗮 𝗶𝘆𝗼 𝗰𝗮𝗮𝗳𝗶𝗺𝗮𝗱𝗸𝗮 𝘅𝗼𝗼𝗹𝗮𝗵𝗮 𝗲𝗲 𝘀𝗲𝗲𝗿𝗮𝗵𝗮 𝗔𝗿𝗼𝗼𝗿𝗶 𝘄𝗮𝘅𝗮𝗮 𝗳𝘂𝗹𝗶𝗻𝗮𝘆𝗮 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗮𝗱𝗱𝗮 𝗫𝗮𝗻𝗮𝗮𝗻𝗮𝗱𝗮 𝗫𝗼𝗼𝗹𝗮𝗵𝗮 𝗶𝘆𝗼 𝗛𝗼𝗿𝘂𝗺𝗮𝗿𝗶𝗻𝘁𝗮 𝗞𝗮𝗹𝘂𝘂𝗺𝗮𝘆𝘀𝗶𝗴𝗮 𝗝𝘀𝗹 𝘄𝗮𝘅𝗮𝗮𝗻𝗮 𝗹𝗮𝗴𝗮 𝗺𝗮𝗮𝗹 𝗴𝗮𝗹𝗶𝗻𝗮𝘆𝗮𝗮 𝘄𝗮𝗷𝗶𝗴𝗮 𝗹𝗮𝗯𝗮𝗮𝗱 𝗲𝗲 𝗦𝗮𝗻𝗱𝘂𝘂𝗾𝗮 𝗛𝗼𝗿𝘂𝗺𝗮𝗿𝗶𝗻𝘁𝗮 𝗦𝗼𝗺𝗮𝗹𝗶𝗹𝗮𝗻𝗱 𝗲𝗲 (𝗦𝗗𝗙).

Ujeeda mashruuca ayaa ah sidii kor loogu qaadi lahaa hab nololeedka xoola dhaqatada iyo beeralayda soo saarta calafka xoolaha ee gobalka Togdheer.

 

Si hadaba kor loogu qaado awooda wax-soosaarka calafka xoolaha iyo caafimadka ee xoolo dhaqatada iyo beeralayda ku dhaqan deegaanada hoos yimaada gobalka Togdheer.

 

𝗠𝗮𝘀𝗵𝗿𝘂𝘂𝗰𝘂 𝘄𝗮𝘅𝗮𝗮 𝘂𝘂 𝘅𝗼𝗼𝗴𝗮 𝘀𝗮𝗮𝗿𝗮𝘆𝗮𝗮:-

➊ kobcinta awooda wax- sooraarka calafka xoolaha ee wasaaradda Xanaanada xoolaha, sidoo kale waxaa la siin doonaa tobabaro wax ka badalaya hab nololeedkii hore ee bulshada xoolo dhaqatada iyo beeralayda ku nool deeganada gobalka Togdheer iyadoo la siin doono tobabaro ku saabsan nimaadka wax beerista iyo xoolo dhaqista casriga ah si dalkeenu ula jaan qaado wax soo saarka xalafka xoolaha ee wadamada aduunka.

➋ Xarunta Aroori ayaa sidoo kale noqon doonta xarun lagu daraaseeyo caafimadka iyo calafka xoolaha isla markaana talooyin lagu diin doono xoolo dhaqatada iyo beeralayda Gobalka Togdheer.

 

𝗜𝗹𝗮𝗮 𝗵𝗮𝗱𝗮 𝘄𝗮𝘅𝗮𝗮 𝗺𝗮𝘀𝗵𝗿𝘂𝘂𝗰𝗮 𝘄𝗮𝘅𝗮𝗮 𝗱𝗵𝗮𝗺𝗮𝘆𝘀𝘁𝗶𝗿𝗮𝘆:-

➊ Dhismaha iyo qalabayn lagu sameeyey guriga martida oo ka kooban 13 qol iyadoo loo dhamays tiray guud ahaanba agabkii iyo maacuunkii martida.

➋ Dayactirka dhaamka wayn ee ku yaala seeraha oo dhan 13,000 oo mitir queebic waxaana la dhigay bac biyaha haynaya Gu ilaa jiilaal.

➌ Dhamaystirka laba hool iyo qalabkoodii oo loogu talagalay in lagu qabto Tobabarada o

Dayactirka 60km oo lagu sameeyey xaydaanka seeraha

➍ Dayactirka 4 qol oo loogu talo galay in lagu sameeyo cilmibaadhista oo ay ismaali doonaan macalimiinta iyo cilmi baadhayaasha ka howlgalaaya xarunta.

➎ Waxaa la dayac tiray dhismaha xafiisyada xarunta oo ka kooban qolka shirarka iyo laba xafiis oo loogu talo galay in ay isticmaalaan shaqaalaha goobtu.

➏ Waxaa la sameeyey 2 taangi biyood iyo 1 barkad oo loogu talo galay in ay xaruntu isticmaasho

Waxaa la dhisay 2 dar oo loogu talo galay inay ka cabaan xoolaha kala duwan

➐ Waxaa la sameeyey biyo galin iyadoo la dhigay beebab ilaa 3km oo biyaha riiga ka soo qaada keena halka lagu isticmaalayo xarunta.

➑ Waxaa la beeray guud ahaan 20 higter dhul ah oo laga beeray calafka xoolaha oo 13 iskugu jira 5 nooc oo hadhuudha, 3 nooc oo kala duwan oo cowsa, Galab daye, Digir iyo Murunge.

𝗫𝗮𝗳𝗶𝗶𝘀𝗸𝗮 𝗫𝗶𝗱𝗵𝗶𝗶𝗱𝗵𝗸𝗮 𝗶𝘆𝗼 𝗪𝗮𝗿𝗯𝗮𝗮𝗵𝗶𝗻𝘁𝗮 𝗲𝗲 𝗪𝗤𝗛𝗤