Hooyo Farduus Axmed oo Fariin Qaylo-dhaan ah Bulshada Somaliland u Dirsatay

Hargeysa (GNA) Baahida iyo duruuftu qofna lamay dhalan, maalinba cid ayay waayaha iyo noloshu dabraan iyo isbedbeddelka xilliyada adagi.

Hooyo Farduus Axmed Saqadhi oo degan magaalada Hargeysa, gaar ahaan xaafada Macalin Haaruun, ayaa la daala dhacaysa gadgadoonka waayaha iyo nolosha, waxa uu qoyskeedu ka kooban yahay 4 qof, saygeediina wuu geerigooday.

Hooyadan oo ka jaban lugta midig isla markaana ay ku jiraan biro ayaa Wargeyska Dawan oo ku booqday gurigeeda waxa ay u sheegtay in ay waday awood dhaqaale oo biraha lugta kaga jira ay iskaga saarto, waxaanay intaas ku dartay in birahaasi ay ku keeneen in lugta dheecaan galo imikana ay xannuunkeedii la daala dhacayso.

Hooyadani waxa ay intaas raacisay in aanay haysan meel ay dagaan, waxaanay isha kamarada ee Wargeyska Dawan soo xafiday in meesha ay hadda ay degan yihiin in aanay iyagu milkiyadeeda lahayn, balse cid kale leedahay, waxaaney hooyadani xustay in hadda dadkii lahaa jagada ay degan yihiin ay u baahdeen, guriyar oo uga dhisnaana hadda lagu amray inay ka furfurtaan, waxaanay wiilasha ay dhashay ay habeen iyo maalinba seexdaan oo hoy u ah daarada meesha ay deganaayeen oo bannaan ah, halka hooyada iyo gabadh yar oo ay dhashayna ay habeenkii u hoydaan guri yar oo jiingada.

Hooyadani waxa ay ka codsatay cidkasta oo ILLAAHEY dartii wax ula baxaysa in ay soo kaalmayso, kana taageerto sidii dhul ay degaan loogu iibinlahaa.

Hooyadan iyo qoyskeedu waa qaada ma dharge kadib markii saygeedii uu u geeriyooday xanuun uu u jiifay 15 sano sida ay hadalka u dhigtay, waxa ay dadka jaarku Wargeyska Dawan u sheegeen in ay habeenba qoys u soo kariyo cuntada.

Waxa hadda lagu jira bilihii Khayrka iyo xurmada lahaa, bishii barakaysneyd ee Ramadaan ayaa fooda innagu soo haysa haddii ciddii waalidkood wax ula baxaysa ama si uun sadaqo u bixinaysa hooyadan iyo qoyskeeda halka xidhiidhaan telefoonadeeda gacanta ee Telesom 063-7936780 ama Somtel 065702365