Sweden: Waddooyinka oo gubanaya maalintii Afaraad

Isku dhacyo ayaa maalintii afaraad ka socda magaalooyin badan oo ku yaala dalka Sweden, waxaana rabshadaha ay ka dhasheen isku-day ay Kitaabka Quraanka ku gubayaan koox ka soo horjeeda soo galootiga oo uu hor kacayo cunsuri u dhashay dalka Denmark oo lagu magacaabo Rasmus Paludan.

Warbaahinta maxalliga ah ayaa sheegtay in saddex qof ay ku dhaawacmeen magaalada bari ee Norrköping Axaddii ka dib markii booliska ay rasaas digniin ah ku rideen dibadbaxayaasha.

Dhowr baabuur ayaa lagu gubay ugu yaraan 17 qofna waa la xiray.

Sabtidii, baabuur uu ku jiro bas ayaa lagu gubay koonfurta magaalada Malmo oo ay ka socdeen isu soo bax ay dhigayeen kooxda midigta fog.

Ficilladiisa ayaa waxay ay horseedday in dowladaha Iran iyo Ciraaq ay u yeereen wakiilada Sweden si ay uga dhiidhiyaan gubidda nuqulada kitaabka Qur’aanka ah.

Muslimiinta Sweden ayaa booliska dalkaas ku eedeeyay inay Paludan u oggolaadeen falka ka caraysiiyay qowmiyadooda, oo loo baahnaa inay ka joojiyaan.

Rasmus Paludan, oo sidoo kale haysta dhalashada Sweden oo hoggaamiya dhaqdhaqaaqa Stram Kurs, ama Hard Line, ayaa sheegay in uu gubay kitaabka ugu xurmada badan Islaamka uuna ku celin doono ficilkaas.
Paludan oo sidoo kale haysta dhalashada Sweden ayaa sanadkii 2019 ku ciyaaray Kitaab Quraan xilli uu ku sugnaa xaafadda Nørrebro ee caasimadda dalka Denmark ee Copenhagen.

Ugu yaraan 16 askari oo boolis ah ayaa la sheegay in lagu dhaawacay, dhowr baabuur oo booliis ahna lagu burburiyay rabshadihii khamiistii, jimcihii iyo sabtidii ka dhacay meelihii kooxda midigta fog ay qorsheynayeen inay kitaabka qur’aanka ku gubaan , sida ay sheegeen xaafadaha Stockholm iyo magaalooyinka Linköping iyo Norrköping.
Paludan ayaa ku hanjabtay in ay isu soo bax kale ku qaban doonto Norrköping Axada, taasoo keentay in dibad baxayaasha ay isugu soo baxaan halkaas, sida ay sheegtay Deutsche Welle.

Booliska deegaanka ayaa war qoraal ah oo ay soo saareen ku sheegay in ay rideen rasaas digniin ah ka dib markii ay la kulmeen weerar waxaana sida muuqata saddex qof ay ku dhaceen bastoolado.

Taliyaha booliska Sweden Anders Thornberg ayaa Sabtidii bayaan uu soo saaray ku sheegay in mudaharaadayaashu ay muujiyeen in aanay dan ka lahayn nolosha askarta booliska, isaga oo intaa ku daray: “Horay ayaan u aragnay rabshado wata, balse tani waa wax kale.”
Dhanka kale ra’iisal wasaaraha Sweden, Magdalena Andersson, ayaa cambaaraysay rabshadaha ka dhacay dalkeeda iyo weerarrada ka dhanka ah booliska.

“Sweden waxa ay dadka u ogoshahay inay soo bandhigaan arragtidooda, mid wanaagsan iyo mid xun ba. Waa qeyb kamid ah dimuqraadiyaddeena. Wax kasta oo dhaca, ma aha in la horseedo rabshad. Taasi ma aqbali karno,” ayay u sheegtay wakaaladda wararka ee TT.

“Rabshadaha waa waxa uu doonayo (Rasmus Paludan). Waxa uu rabaa inuu iska hor keeno dadka,” ayay hadalkeeda raacisay.

Asasaaha xisbiga Midabada Kala Duwan ee Sweden, Mikail Yuksel, asal ahaana ka soo jeeda Turkiga, ayaa sheegay in booliska ay difaacayaan ninka muujiyay Islaam naceybka.

Waxa uu tilmaamay in Paludan uu had iyo goor ficilladiisa ka sameeyo deegaannada ay Muslimiinta u badan yihiin, gaar ahaan agagaarka masaajidda si uu ku kiciyo dareenka dadka.

Yuksel ayaa intaa raaciyay in booliska ay ugu baaqaan dadka Muslimiinta ah inay is dejiyaan xilli hortooda lagu gubayo Kitaab Quraan ah.

Ma ahan markii ugu horreysay ee ay kooxdaan Kitaabka Qu’aanka ku gubaan Isweden oo Sannadkii 2020, mudaaharaadayaashu waxay dab qabadsiiyeen baabuur, afaafka hore ee dukaamadana waxaa ku waxyeeloobay isku dhacyo ka dhacay Malmö.