Gabayga HURGUF iyo Hal-abuur Cabdi Tahar

Akhristeyaal qormadeena Dhaqanka iyo Suugaanta todobaadkan waxa aynu ku soo qaadanaynaa tix gabay ah oo uu tiriyey Abwaan Abdiraxmaan Xirsi Qodax (Cabdi Tahar), gabaygaas oo bulshada ku wacyi-gelinaya wadciga siyaasaddeed ee xilligan dalka ka jira inay ka yeeshaan hubsiimo iyo fiirro ku aaddan dadka hamiga siyaasaddeed orodka ugu jira, qaabka ay wax u doonayaan iyo shakhsiyaadka aqoonta loo leeyahay.

Gabaygan oo la yidhaahdo magaciisa HURGUF,  waxa uu farta ku fiiqayaa oo uu bulshada uga digayaa inay ku tasoobaan ama ku khatalmaan inay mar kale gaawaha u dhaamiyaan rag siyaasiyiin ah oo shalay iyagoo xilal haya aan waxyeello mooyaane wax tar uga tegin shacbiga, kuwaasoo uu abwaanku leeyahay dadyahow kuwii ayaa maanta idinka doonaya in aad cod iyo cudud siisaan, si ay mar kale idiin hadimeeyaan.

Gabayga Huruf wuxuu ku bilaabay sidan:

Ha’da gabay higgaadiyo murtida isuma hawleene

Inyaroo hagaag raadisoo,halganta mooyaane

Dad halawsan duul dhamasanoo heeryo lagu tuuray

Hadhka labada galin baan tilmaan soo hordhigayaaye

Ninka hallo ku aaminay dhurwaa qabay hamuuntooda

Hilbo hadiyad lagu siiyey baa loogu huray kayne

Mar haduu afkii ku hubsaduu,una hambayn waayey

Ilayn kuma halayn karo caqligu,habar dugaag geele

Haddoodaa gashiyo waa run buu,hadal ka taag naaye

Ana waxaan ku haystaa kaskii,hebedka saarnaaye

,Hayin gibil madaadsha ah ninkii,ubad u heeryeystay

Iyo kaan hogaan baran ninkii tiisa ku halaystay

Kala hufan garaadkiyo intay kala horeeyaane

Noloshuna hubsiimiyo haday waydo,hillin toosan

Hantaaqiyo lur iyo foolxumay,kugu halaagtaaye

Garashada hagaastiyo indhaha hogosho bayroobay

Miyeydaan halkaa ila arkayn waxaa ka hooseeya.?

 

Digo rogosho waa laga hodmaa,guri habaas wayne

Hinqashaa ku filan meel haduu dulinku,hoos yaale

Hurguf oo hadana jiifso waa,hawl is daba eede

Dadna waa hiraaliyo dhabcaal,amase haanreefe

Marna waa mid kula soo hadhiyo,kuma haleeyaane

Hadba waxaad u sacab jiibisaan,laguma hoydaane

Haaddaan iyo wuxuu kula maraa,hirigta waawayne

Hoobashana waxaad kula dhacdaan,naarta haawiya e

Markay hawli joogtiyo markay himilo soo gaadho

Hormoodkiinu waa kuwaan ogaa,hadimadoodiiye

Sidiibay haliil iyo ma tudhe idinku haystaane

Habar wacasho hayb iyo qabiil,lagu hogaan siiyo

Hadhawtiyo bariyo saadambaa,lagu hafeeftaaye

Miyeydaan halkaa ila arkayn waxa,ka hooseeya.?

 

Dadka kala hufkiisana hadaan,haad u kala qaado

Qof hadduu u harrag waafi dayo,hebel garaadkiisa

Nin la hubo hufnaan iyo aqoon,soo hor marin waaye

Hanfadiyo wuxuu kuu boqraa hoori aan taline

Kuwii horumarkoodiyo la hadhay,hawl u fulintooda

Ama dhacay hantiyo maal aduun,shacabka hayntiisa

Ama soo hagraday waa horoo,hayjad ula guuray

Dad u heellan oo ga’ma,sanoo,hoos u wada jeeda

Dalkiinaa hurroow laga helaa,duul u tuma heese.

Hinji oo tunkaw rido hadaad,galiso haabkaaga

Holoshada adoo dhiiran baa soo,haf siin kara e

Qof haduu awood iyo itaal,haysto muruqiisa

Hoos ka liig haduu yahay caqligu,haakah odhan waaye

Miyeydaan halkaa ila arkayn,waxa ka hooseeya.?

 

Rag hamiyey haduu hawl u kaco,wuu hir galiyaaye

Hamhamtiyo halaasiga barjaha,hadalka meel waayey

Hadhqoodaalka kama sii durkiyo,hadalo hayntaase

Hororkiyo hamaansigii orgome,hurintii weeyaane

Lama garab hawaarsado qof aan,haan biyeyn karine

Gacan haadis waa lagu dagmaa,laguna heermaaye

Hoosaasaha dar baa lagu hodaa,higilka qaarkiiye

Humaagiyo lugooyada adoon kula habeen guurin

Hubsiimiyo waxaa kula gudboon,soo hakiyo diide

Hadimada hogiyo ceelka qodan,bohosha hoosaysa

Hadhka goodka jiifiyo maskiyo halaqa duuduuban

Waw halis qofkii aan indhaha aad u kala hayne

Miyeydaan halkaa ila arkayn waxaa ka hooseeya.?

 

Aduunyada horaysiyo gadaal,kor u hayaankeeda

Hanka damacu leeyahay hadii loo,hanqalo taago

Waxaa huubo laga dheefayaa waa habaar qaba e

Halyey adag hogaamiye dhabaa,taash la huwiyaaye

Heshiis kuma gashaan maalintaa loo hibayn kara e

Hayeeshee lugaha waad kartaan,inaad ka haysaane

Wax ku huran adoo kara haday,hibasho kuu keento

Waxaad tahay hurdaysane socdoo,hiifid laasimaye

Lama hure naftaw hura bulshada,uma hilawdaane

Rajaad ula halmaantaan ninkaad,hadaw ka leefteene

Hamaan iyo dulmiga maalin baa,laga huleelaaye

Darkii shalay ku hololoobiyaad,hiil ka sugaysaane

Hanfigiyo cadceedaba kolbaa,laga hadh doontaaye

Cilmi horumar lagu tiigsadoo,hiigsi lagu gaadho

Kuwaan ugu hanwaynaa kolkaan,halacsi daymooday

Garaadkay hangool uga noqdeen,huwantay eedeene

Hantaaqiyo kuwaan soo arkee,laabta kala haystay

Waa hiil ku taxan meel kaliyo,duunyo u hadaafe

Hunguriga xadhkaha goostay iyo hadhimo doondoonka

Milgo hirasho khayrliyo ka dhibay,haybad iyo doore

Miyeydaan halkaa ila arkayn,waxa ka hooseeya.?

 

Wadamadan hawada fuushanee,dayaxa soo haabtay

Ama horumar lagu faani karo,haatan wada gaadhay

Dhalinyaro horseediyo rag baa heegadaa dhigaye

Hubka meel lakala jeediyooy,hugunto baaruudu

Hangal dumar la saariyo rasaas hooyo lagu laayo

Iyo ubad la wada hoojiyoo,wada hiqlaynaaye

Hoygooda soomaalidaa lagu, hayaa taase

Ma huraan hadii ay noqdaan,aan is wada haysan

Dagaal laysku hoobtiyo dilbaan,lagu halaagmeene

Ummad wali haldoorkoodu yahay hoojiyaha laaya

Sida habasta uun baa buskiyo boodh la huwiyaaye

Miyeydaan halkaa ila arkayn waxa,ka hooseeya.?

 

Haye sami qofkii lagu bartaa,hiida laasimaye

Halbawlaha ninkii lagu dhuftiyo,haamadiyo beerka

Hujuun iyo wuxuu taag hayuu,kala hor boodaaye

Kuma sugo haduu jaro qofkii,haanka beegsadaye

Kolku dage horayn jiray hadaad heegan ugu joogto

Kuma soo huluushado adoo,soo hambaabiraye.

Wax halaaba mooyee nimaan rabin hagaagiina

Ama aan dan guud hawl u galin,gudub hayaankiisa

Hafashiyo hiinraag iyo dhib baa lagala hoydaaye

Horwayn gaanna oo gudhan haday,hali ka soo dhiiqdo

Maatida hadhuubkeeda waa laga,hingoodaaye

Ma damqade hadaan looga hirin,hoos u dhugan waaye

Ma hambeeye lagu aaminniyo,heemsadiyo

laaste

Harraad iyo ka tali gaajadaa,haysa ubadakiiye

Ma hagiyo haddaad garabsataan,tan u hadaafkiise

Kolay hiigsan maysaan libtaad,ku hindisootaane

Sida loo hareer maro hadaad,barato haydaarta

Sida looga haajiraad u garan,halista laayaane

Haddaad horumarkiiniyo rabtaan,nolosha heerkeeda

Waxaa guusha laga hoorsadaa,himilo waayeele

Miyeydaan halkaa ila arkayn waxa,ka hooseeya.?.