KULMIYE: DIB U JOOGSO WAAN KULA DACWIYI DOODNA WAAN ODHANE

Madaxwaynihii hore ee dalka Maraykanka ayaa yidhi mar uu booqasho ku joogay Kenya “ dalalka Afrika dhibaatada haystaa waxay tahay qof xil loo doortay ayaa marka ay mudadii xilka loo doortay dhamaato aan ogolay n in uu kursiga baneeyo”. Taasi waa runtii marka aynu ka hadlayno dawlad-wanaagga waayo waxay qayb ka tahay dawlad-xumada Afrikaanka haysata.

Xisbiga Kulmiye munaasibad ku xusayay 20 guuradii markii la asaasay sanadkii 2002dii ku qabtay Hargeysa. Munaasibadda waxa ka hadlay madax iyo masuuliyiin badan oo ka mid ah hogaanka sare iyo kaadariinta xisbigaba ee muhiimka ah. Maxamuud Xaashi iyo Cabdicaziiz Samaale ayaa ka mid ahaa inta ku dheeraatay taariikhda dhinaca wanaagsan ee Kulmiye oo dabcan aniga laftaydu aanan dafirsanayn ee wax badan aan qirayo. Ha yeeshee taariikhda Kulmiye maaha dhica wanaagsan oo keliya ee bal dhinaca kale ee Kulmiye ( the other side of Kulmiye) hal qodob oo keliya aan ku yar hakado, qodobkaasina waa ka aan ku bilaabay maqaalka ee aan ka soo xigtay Barak Obaama kaas oo Somaliland ay ula baxday MUDDO KORDHINTA, aan lahayn sabab keliya oo macquul ah balse cimri dherersi keliya uun ah

Dastuurka Somaliland xilalka ku yimaadda doorashada wuu xadiday mudooyinkooda oo shantii sanadoodba in hal mar la doorto ayaa ku cad. Xiligii UDUB way jireen doorashooyin muddo dhaafay waxa kow ka ahayd doorashada guurtida oo ay ahayd in sanad keliya ay ka dambayso Doorashadii Wakiilada, balse 4 sanadood (2006 ilaa 2010) oo Rayaale Madaxwayne ahaa aan qabsoomin, dabcan waxa masuul ka ahaa UDUB. Waxa ku xigtay Golayaashii Degaanka oo markii labaad la dooran lahaa December 2007dii balse markii ay hoosta iska soo galeen Doorashadii Madaxtooyada oo sideed bilood ka dambayn lahayd Kulmiye ku dhegay in dib loo dhigo oo laga soo hormariyo ta Madaxwaynaha Madaxwayne Rayaalena ka aqbalay. Doorashada Golayaasha Degaanka waxa ku lifasqnayd tartankii ay xisbiyada/ururada ee sadex xisbi markii labaad ay ku soo bixi lahaayeen. Muddo kordhintan Kulmiye ku dhegay masuuliyadeedana hadii aanu wada lahayn ugu yaraan wax buu ku lahaa baa la odhan karaa. Muddo kordhimaha xiligii UDUB waxa ugu dambaysay labadii sanadood ee Rayaale loo kordhiyay oo noqon karta ta keliya ee ay jireen duruufo iyo caqabado adadkaa oo ka hor yimi oo sababay tiraba dhawr jeer in marba wakhti ay dib u dhacdo oo dib loo dhigo iyadoo la isla wada ogol yahay. Isku wada dar muddo kordhimahii UDUB waxay noqonayaan Guurtida 4 sanadood, Golayaasha Degaanka 3 sanadood, iyo Madaxtooyada 2 sanadood wadar ahaan 14 sanadood ilaa 2010kii.

Kulmiye wuxu masuul ka yahay muddo kordhimijii dabarka wada goostay oo aanay jirin mid keliya oo cudurdaar lahayd. Axmed Silanyo oo aan doonayn in maalin uu ku darsado muddo xileedkiisii sharciga ahaa ayaa gadhka loo geliyay laba sanadood isaga oo aan raali ka ahayn hadsna aan la isla ogolaanin ee ay gaadhay ilaa Maxkamada Sare oo go’aankeedu kama dambays uu noqday. Ilaa hadda 12 sanadood oo muddo kordhinta guurtida ahna Kulmiye ayaa ka masuul ahaa welina way socotaa. Doorashada Wakiilada Kulmiye wuxu masuul ka yahay 11 sanadood oo aan wax cudurdaar ah lahayn. Golayaasha Degaankana isku dar wuxu Kulmiye masuul ka yahay qiyaastii 11 sanadood (2+9) hadii aanan qaldanayn. Waa Madaxtooyada 2 sanadood ( ta Muuse waxay noqon mooyi), ku dar 12 sanadood oo guurtida ah 11 wakiilada ah iyo 11 degaanka ah= 34 sanadood oo muddo kordhin.

Marka ay sidaa tahay Kulmiye miyaan la odhan karin waa xisbigii Dawlad-Xumada hadii muddo kordhintu danay dawlad-wanaag meelna ka soo gellayn ee qaybta ugu wayn ka tahay Dawlad-xumada.

Ta kale masuuliyiintii ka hadasha madasha kulmiye taariikhda wanaagsan ee Kulmiye waxay ku koobnayd Kulmiyihii Axmed Silanyo. Kulmiyahan Muuse waxay qireen in aanu kii hore ahayn in hoos u dhac uu jiro ayay qireen iyagoo werwer ka muujiyay xaaladda xisbiga hadii aan sidan wax laga bedelin. Waana Muuse ninka hadalku ku socdaaye garo

CALIGUREY
ELECTIONWATCH