Muuqaal shucuurta bedelaya oo ku saabsan dabaal-degga xuska 18 MAY

waxay u dabaal-deggeen mid kamida munaasibadaha qiimaha badan ee dalka  laga qabto, iyagoo muujinayey waddaniyad iyo go’aan ka turjumaya masiirkooda.

kumanaan iyo kumanaan shacab ah oo ku lebisan calanka saddexda midab ka kooban ayaa socod ku maray jidka weyn ee halbowlaha Magaalada, iyagoo sidoo kale jidadka kala duwan ee caasimada ku dabaaldegayey.

Ardayda dugsiyada kala duwan, ayaa gaardiska ku wehelinayey Ciidamada qalabka sida oo soo bandhigay tababar ciidannimo oo qoto dheer iyo saanad milateri.

Maalinta la xusayo 18 May waxa lagu kala xamaasad badan yahay kor u qaadida calanka Jamhuuriyadda Somaliland, kaasoo ay dadku ka toshaan maryo, agabka kale ee la xidho iyo isagoo gacan ku qaad ah.

Muuqaalkan hoose oo loo duubay si qurux badan ayaa muujinaya sida ay dadweynaha shacabka ah, shaqaalaha ururrada iyo xafiisyada dawladda iyo Ciidamadu uga qaybqaateen xuska 18 May ee lagu qabtay Magaalada Hargeysa.

Waxa ka dhex muuqda degmooyinka magaalada oo si gaar ah u abaabulnaa, isla markaana watay boodhadh ay ku xardhan yihiin magacyadoodu.

Waxa kale oo muuqaalka ku jira dadweyne xamaasaddaysan oo soo bandhigay agab ay ka sameeyeen calanka, sida muwaadin gaadhigiisa ku dul rakibay Gantaal sameynaya socod wareeg ah.

Daawo Muuqaal:

sanad guurada 31-aad ee xuska madaxbanaanida Jamhuuriyadda Somaliland waxa looga dabaal-degayaa guud ahaan dunida meel kasta oo ay ku nool yihiin muwaadiniinta dalkan u dhashay, waxaana xusid mudan in qof waliba xataa haddii aanu fursad u helin dabaal-degyada kulminaya dadka badan in dareenkiisu taagan yahay oo uu nafsada ka xamaasadaysan yahay.