Somaliland iyo Kenya oo ka wada hadlay Iskaashiga Ganacsiga

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha JSL 𝐌𝐮𝐝𝐚𝐧𝐞 𝐀𝐛𝐝𝐢𝐫𝐢𝐬𝐚𝐪 𝐈𝐛𝐫𝐚𝐚𝐡𝐢𝐦 𝐌𝐨𝐡𝐚𝐦𝐞𝐝 𝐎𝐨 𝐔𝐮 𝐖𝐞𝐡𝐞𝐥𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐮𝐮𝐝 𝐄𝐞 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐫𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐞𝐞 𝐉𝐒𝐋 𝐌𝐮𝐝𝐚𝐧𝐞 𝐀𝐛𝐝𝐢𝐤𝐚𝐫𝐢𝐢𝐧 𝐌𝐮𝐮𝐬𝐞 𝐌𝐚𝐚𝐥 𝐀𝐲𝐚𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐗𝐚𝐟𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐊𝐮 𝐐𝐚𝐚𝐛𝐢𝐥𝐞𝐲 𝐎𝐨 𝐤𝐮𝐥𝐚𝐧𝐚 𝐤𝐮𝐥𝐚 𝐲𝐞𝐞𝐬𝐡𝐚𝐲 𝐌𝐚𝐬𝐮𝐮𝐥𝐢𝐲𝐢𝐢𝐧 𝐤𝐚 𝐬𝐨𝐜𝐝𝐞𝐲 𝐒𝐚𝐟𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐊𝐞𝐧𝐲𝐚 𝐗𝐚𝐟𝐢𝐢𝐬𝐤𝐞𝐞𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝

Waftigaan Oo uu Hogaaminayeey Amb. Cabdiweli M. Xuseen, Madaxa OGW Qunsuliyadda Kenya, Somaliland.

Sidoo kale waxaa Amb ku wehelinayay kulankan laba sarkaal oo ka tirsan safaarada Kenya ee Somaliland

Wasiirka iyo safiirku waxay ka wada hadleen iskaashiga Somaliland iyo Kenya ee horumarinta dhaqaalaha, fursadaha maalgashi iyo warshadaynta gobolka.

Wasiirku waxa uu Somaliland ku soo dhawaynayaa maalgashadayaasha Kenya, waxaanu u fududayn doonaa dhammaan maalgashigooda oo ay ku jiraan mashaariicda iskaashiga dawladda iyo gaarka ah ee Somaliland.

Waxaana Xusid Mudaneyd in Safiirka Kenya uu soo jeediyay in Somaliland lagu soo dhaweeyo magaalada Nairobi oo lagu qabto shirwayne maalgashi oo lagu xoojinayo xidhiidhka labada dal.