wefti ka socda Xukuumadda oo lagu soo dhaweeyey Selel

Degmada Xariirad iyo deegaanada Jidhi iyo Cabdiqaadir ayaa si ballaadhan loogu soo dhaweeyay wefti uu hoggaaminaayo musharraxa Madaxweyne-ku-xigeen ee xisbiga Kulmiye ahna wasiirka wasaaradda ganacsiga iyo dalxiiska Somaliland Maxamuud Xasan Sacad Saajin.
Weftigani oo ujeeddada kormeerkoodu la xidhiidho u-kuur-galka iyo xog-ogaal-u-noqoshada xaaladaha deegaannada iyo qaar ka mid ah degmooyinka gobollada Awdal iyo Selel
Weftigan ayaa waxa ka mid ahaa wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo sayniska, maareeyaha hay’adda waddooyinka, wasiir-ku-xigeennada wasaaradaha warfaafinta, hawlaha guud, xannaanada xoolaha, guddoomiye-ku-xigeenka ka hortagga aafooyinka, agaasimeyaasha guud ee hay’adda shaqaalaha, horumarinta xeebaha, tacliinta sare iyo guddoomiyeyaasha gobollada Awdal, Selel iyo Hawd.