Dawladda Itoobiya oo sheegtay in Is-fahamka Somaliland dhex maray Bog cusub u furay Geeska Afrika

Addis-ababa(GNA)Wasiirka Gaadiidka iyo Saadka ee Itoobiya H.E Alemu Sime, ayaa sheegay in Heshiiska dhex maray Jamhuuriyadda Somaliland iyo Waddankiisu ahmiyad weyn u leeyahay isku-xidhanka iyo horumarka geeska Afrika.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi iyo Reysalwasaaraha Itoobiya Abiy Axmed Cali, ayaa saxeexay isfaham Taariikhi ah oo dhex maray labada dal bishii Janaury ee sanadkan, kaasoo ku taxaluqa inay heshiis rasmi ah ku gaadhaan isdhaafsi danneed oo uu dhinaca waliba fursad muhiima ka raadinayo.

H.E Alemu Sime, khudbad u jeedinayey Baarlamanka dalkiisa Salaasada maanta ayaa heshiiska is-faham ku tilmaamay mid bog cusub u furaya geeska Afrika.

“Heshiiska Is-fahamka Jamhuuriyadda Somaliland iyo Itoobiya waxa uu furi doonaa bog cusub oo iskaashi oo muhiimad weyn u leh isku xidhka Geeska Afrika”ayuu yidhi Alemu Sime.

Jamhuuriyadda Somaliland iyo Itoobiya ayaa guddiyo farsamo u saaray dhamaystirka heshiis rasmi ah oo laga gaadho iskaashiga labada dal iyo xudunta isfahamka oo ah inay Itoobiya si rasmi ah u aqoonsato Somaliland.