Xukuumadda Somaliland oo mashruuc biyood ka hirgelisay Wajaale

Wasaaradda Horumarinta Biyaha Somaliland ayaa xadhiga ka jartay Ceel biyood ay ka hergalisay magaalo ganacsiyeed Wajaale.

Munaasibada xadhig ka jarka ayaa waxaa ka soo qayb galay wasiirka wasaaradda horumarinta Beeraha Somaliland, wasiir ku xigeenka wasaaradda Biyaha, agaasimaha guud ee wasaaradda Biyaha Somaliland, maamulka gobolka Gabilay, mudanayaal ka tirsan golaha wakiillada Somaliland iyo marti sharaf aad u tiro badan.

Wasaaradda kheyraadka biyaha Somaliland, oo fulinaysa balan qaadkii madaxwaynaha ee ahaa in deegaan kasta la gaadhsiiyo biyo nadiif ah oo ku filan ayaa shacabka Wajaale u hirgalisya biyo nadiif ah oo ku filan.

Masuuliyiinta munaasibada xadhig ka jarkanka hadlay ayaa waxa ay ku dheeraadeen ahmiyada ay biyuhu u leeyihiin bulshada iyo sida ay heeganka ugu yihiin masuuliyiinta wasaaradda biyaha Somaliland inay gaadhsiiyaan bulshada biyo nadiif ah oo ku filan.

Shacabka magaaladda Wajaale ayaa waxqabadka dhinaca biyaha ku bogaadiyay masuuliyiinta wasaaradda kheyraadka biyaha Somaliland, waxaanay qireen inay wasaaradu dabooshay baahidii biyood ee taalay Wajaale, waxa ay intaas ku dareen inay ilaashanayaan ceel biyoodkan cusub oo noqonaya kii shanaad eeĀ  ay wasaaradu ka hirgaliso Wajaale.