Masuuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda maxay ku arkeen Dekedda Berbera?

Wasiirka wasaaradda horumarinta Maaliyadda JSL Mudane Sacad Cali Shire iyo agaasimaha guud ee wasaaraddaasi Mudane Maxamed Xuseen Cismaan iyo masuuliyiin kale ayaa kormeer ku tagey dekedda Berbera, ujeedada kormeerkooda ayaa ahayd u kuurgelida sida ay u socdaan hawlaha adeeg-bixinta Dekeddu.
Masuuliyiintan ayaa intii ay kormeerkaasi ku gudda jireen kulama kala duwan la qaatay daneeyayaasha dekedda Berbera.
Geesta kale waxyaabaha mudnaanta leh ee la isdultaagey intii kulamadani socdeen waxa ka mid ahaa, in la fudeydiyo hanaanka adeeg-bixinta dekedda, iyada oo la soo koobayo tallaabooyinka shaqo ee ay maraan macaamiisha adeegsata dekadda Berbera.
Dhanka kale waxa talo-bixinno iyo soo jeedimo laga dhagaystay ganacsatada si xal loogu helo wixii fudeydin ah ee ay uga baahdaan Dekadda Berbera.
Gaba-gabadii wasiir Sacad ayaa ganacsatada adeegsata dekadda Berbera ugu bushaareeyey in loo fudeydin doono dhamaan adeegyada loo qabto, isla markaana la tixgalin doono dalabkooda, waxaanu uga mahadceliyay sida wanaagsan ee ay ula shaqeeyaan dekedda.