Garsoorka Togdheer oo lagu tababarayo ka hortagga Dambiyada

Isu’duwaha Wasaaradda Cadaalada Gobolka Togdheer Mudane Cabdillaahi Jaamac Yuusuf, ayaa magaalada Burco ka furay tababar ku saabsan ka hortaga dambiyadda.
Tababarkan waxa ka soo qayb galay xeer ilaalinta gobolka, xubno ka socday madax dhaqameedka gobolka Togdheer, dawladda hoose ee Burco, taliyeyaasha Saldhigyada booliska Gobolka Togdheer iyo Saraakiisha Ciidanka asluubta.
Isu’duwaha ayaa ka soo qayb galayaasha kula dardaarmay inay weeleeyaan wakhtina siiyaan casharada ay siin doonaan khubarada loo xulay inay tabbabarkan qabtaan.
Tababarkan waxa soo qayban qaabisay wasaaradda cadaaladda oo kaashanaysa hay’addaha UNDP iyo UNSOM.