Wasiirka Diinta oo hortegay golaha Wakiillada

Wasiirka wasaaradda diinta iyo awqaafta JSL, Mudane Maxamed Xaaji Aadan Cilmi, hortagey guddida shareecada, dhaqanka iyo qoyska ee Golaha Wakiilada Somaliland.

Wasiirka waxa imaanshiyihiisa guddida ku wehelinayay masuuliyiin ka tirsan wasaaradda Diinta.

Wasiirka ayaa guddida warbixin ka siiyay shaqada ay qaranka u hayaan, wixii u qabsoomay iyo waxa u qorshaysan mudadii uu xafiiska joogey.

guddida shareecada, dhaqanka iyo qoyska ee Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa wasiirka iyo masuuliyiintii la socday uga mahadceliyay warbixinta waafiga ah ee uu guddida ka siiyay hawlaha shaqo ee uu u qabto.

Kadib markii uu wasiirku guddida u dhammeeyay warbixinta, guddida ayaa su’aalo kala duwan oo la xidhiidha shaqada wasaaradda iyo waajibaadka dastuurku siiyay ka weydiiyay, mid mid ayaanu uga jawaabay.

Gaba-gabadii wasiirka iyo guddida ayaa isla qaatay in ay ka wada shaqeeyaan horumarinta arrimaha diinta.