Israa’iil ma halis jiritaan bay dhex muquuraneysaa? 

John Mearshiemer oo ah qoraa iyo khabiir cilmiga siyaasadda arrimaha dibadda, in ka badan afartan sanana macallin ka ah kulliyadda siyaasadda ee Jaamacadda Chicago ayaa mawduucan ka jeediyay hay’adda cilmi baarista ee Center for Independent Studies. Waxa aan soo koobis ku sameeyay khudbaddii John oo in ka badan hal saac iyo bar soconeysay.

John waxa uu hadalkiisa ku bilaabayaa sida xaalku ahaa 7 October sanadkii 2023 ka hor, taas oo uu ku tilmaamay in dad badan ay u qaateen in degganaan buuxda gobolku ku sii dhow yahay. Wixii ka danbeeyay se weerarkii Xamaas ee 7’dii October, oo uu ku tilmaamay mid guul u ahaa Xamaas, wax kastaba waa isbaddaleen.

 

Dad badan ayaa u haystay in Israa’iil dhulka Falastiiniyiinta ee ay gumeysato, oo ay ku jirto Qasa oo lagu tilmaamo xabsiga ugu weyn ee dunida, ay si buuxda ugu wada arrimiso. Dadkaa iyo Israa’iil qudheeda ayuu argagax uu ku noqday weerarkii 7 October.

Hadalka John waxa uu ku wareegayaa ka jawaabidda saddex su’aalood oo kala ah:

1. Maxaa keenay dhibaatadaan?

2. Xaggee joogna maanta?

3. Iyo xaggee u soconnaa?

 

Falanqyntiisa waxa uu aasaas uu uga dhigayaa dhinacayada dagaalamaya iyo taageerada ay ka kala helayaan. Dagaalka Qaza waxa uu u dhexeeyaa Xamaas iyo Israa’iil, balse waqooyiga dhulka ay Israa’iil gumaysato waxaa kaga socda dagaal ay kula jirto Xisbullah. Intaa waxaa dheer Xuutiyiinta Yaman oo Badda Cas uga dhaartay maraakiibta ku jihaysan Israa’iil. Si kale haddii loo dhigo, dagaalku waxa uu dhexeeyaa ururro Islaalimiyiin ah oo qaddiyadda Falasdiin u gaylamaya, isla markaana ay Iiraan taageerayso iyo Israa’iil oo Maraykanka dhabarka ku haysa.

John waxa uu ku bilaabaya gudagalka dooddiisa habka ay Israa’iil dawlad xasilloon ku noqo karto. Waxa uu na soo bandhigayaa afar hab oo suurtagal ah. Afarta nidaam laba kamid ah waxa uu sheegay in aysan suurtagal ahayn maanta. Habka koowaad waa dowlad dimuqaraaddi ah oo u dhexaysa Yuhuudda iyo Falasdiiniyiinta, habka labaadna waa labo dowladood oo daris ah.

Midda koobaad oo ah dowladda dimuqraadiga ah ee la wadaago waxa uu ku sheegay in aysan rabin Israa’iiliyiintu, waayo dadka ku nool dhulkaas ee Yuhuudda iyo Falastiiniyiinta ah waa is tiro le’eg yihiin, Falastiiniyiinta ayaana xaddiga dhalmada badan. Israa’iiliyiintu waxa ay ka baqayaan in ugu danbaynta laga qaalib noqdo. Habka labaad waa xalka labada dawladood, kaas oo wakhti dheer ay Israa’iil diidanayd, xukuumadda Natanyaahuna aad uga soo horjeeddo. Weerarkii 7 October kadibna habkani suurtagal maaha.

Labada nidaam ee sooharey midi waa gumeysi (apparathide), waana kan hadda ay Israa’iil ku hayso reer Falasdiin ee Daanta Galbeed. Nidaamka ugu danbeeya waa isirguurin lagu sameeyo Falastiiniyiinta, waana waxa hadda ka socda Qasa.

Xaggee maanta joognaa?

Kow: israa’iil ma aysan jabin Xamaas, mana jabin karaan, sida uu sheegay xataa ku-xigeenka Xoghayaha difaaca Mareykanka.

Laba: Israa’iil ma ay soo furanin dadkii laga afduubtay

Saddex: Qaza waa isirguurin waayeen.

Intaas waxaa dheer, Israa’iil waqooyiga waxaa kaga furan dagaalka Xisbullaah, kaas oo ku khasbay 60,000 ilaa 100,000 oo Israa’iiliyiin ah in ay ka soo qaxaan waqooyiga. Ururka Xisbullaah waxa uu wacad ku maray in uu dagaalka wadi doono ilaa ay israa’iil dagaalka ka joojiso Qaza. Dhanka kale, Xuutiyiinta ayaa ayaguna dhankooda sheegay in ay ballaariyeen howlgalkooda ka dhanka ah Israa’iil, isla markaana ay gantaalkii u horreeyay ku dhufteen gudaha Israa’iil.

Xasaradda Marekanka-Israa’iil iyo Iiraan.

Dagaalka u dhexeeya labada gaashaanbuur iyo Iiraan waxa uu ahaa dagaal biyaha hoostooda la iska arko. Mareykan iyo Iiraanba danahooda kama arkeyn dagaal toos ah oo la isku qaado, halka ay Israa’iil rabtay dagaal dhex mara iyada iyo Iiraan.

1 April 2024 Israa’iiliyiintu waxa ay weerar ku qaadeen safaaraddii Iiraan ee Siiriya ku taalley. Iiraanna waxa ay wareer jawaab ah ka bixisay 14 April. Se ka hor inta aysan weerarka qaadin, Mareykanku waxa uu ka codsadey Iiraan, isaga oo sii dhexmaraya dowlad kale, in ay: 1. Weerarkeeda uu noqdo mid cayiman, meelaha ay dadku ku badan yihiinna aaney beegsan. 2. In uu noqdo weerarkoodu mid la maareyn karo oo laga gaashaaman karo 3. in Mareykanka loo soo sheego xilliga weerarka.

Mareykanka iyo Iiraanba waxa ay doonayeen in xaaladdu mid la maareyn karo ay ahaato. Iiraan waxa ay baro ciidan oo Israa’iil dhexdeeda ah la beegsatay in ka badan 300 oo daroon iyo gantaallo isugu jira. Mareykanku waxa uu lug weyn ku lahaa difaacidda Israa’iil ee weerarkii Iiraan, taas oo ay waddama dhowr ah oo reer Galbeed iyo Carab ahi ka qayb qaateen. Tani waxa ay Israa’iil ku ahayd fadeexad, waayo, waxa ay ku faani jirtay in weerar kasta ay si madaxbannaan ay kaligeed iskaga difaaci karto.

Waxa uu John xaqiijinayaa in kalabar gantaaladii iyo droneskii Iiraan ku soo ridday Israa’iil ay Mareykanku burburiyeen. Israa’iil wax ay dusha saaratay in ay iska difaacday weerarkii Iiraan, taas oo guul indha caalamka oga dhigan. Mareykanku waxa uu ku adkeeyay israa’iil in aargoosigoodu noqdo mid aad u kooban, taas oo ay fuliyeen 19 April, iyada oo u ku tilaamay mid aad iyo aad u koobaan markii loo eego Israa’iil hamuuntoodii dareyd ee ay dagaalka u qabi jirtay.

Halkaa marka la taagan yahay, Israa’iil weeye cidda guuldaraysatay, dhowr sababoodba.

Kow: Qaza oo ay 2005 isaga baxeen ayay dib ugu noqdeen. Haba ku noqdaan e, waxa ay ka dhigeen meel aan lagu noolaan karin, laakiin shacabka Falastiin meel uma socodaan! Dhanka kale, in xabadda ay joojiyaan iyaga oo aan guulihii bartilmaameedka ahaa gaarin waa u wajigabax, in la sii wadaana dani ugu ma jirto.

Laba: Israa’iil kaartadeeda difaaca waxa ay ku fadhidaa haddii wareer lagu soo qaado in ay ugu jawaabto sida ugu xun cidda weerarka ku soo qaaday. Waxa ay aaminsan tahay muquuninta cidda soo weerartay. Se hadda faro maran bay ka joogaan, waxaana caddeyna, weerarkii Iiraan oo ay kaligood ku filnaan waayeen iyo Xisbullah oo ay soo afjari waayeen iyo ugu danbayn Mareykanka oo ay ka maarmi waayeen.

Saddex: hadda waxaa soo kordhay kooxaha ladagaalamaya Israa’iil sida Xamaas, Xisbullah iyo Xuutiyiinta in ay sameytaan gantaallo ay ku garaaci karaan gudaha Israa’iil, isla markaana ku geysan karaan qasaare laxaad leh.

Afar: dawlad dayro ah (pariah state) in ay Israa’iil noqotay. Marka la fiiriyo ra’yucaamka adduunka, maanta dad badani waxa ay u arkaan Israa’iil dawlad xasuuq wadda dad masaakiin ahna leyneysa, taasna waxaa caddeyn ugu filan bannaanbaxyada meelo badan oo adduunka ah iyo ardada jaamacadaha Marekanka. Taas waxa ay ka dhigan tahay in israa’iil ay sumcaddeedii sagxadda taallo.

Gabagabada waxa uu tilmaamaya John in guuladdarada ugu weyn ay Israa’iil qaadanto. Laba in Mareykan asna guul darraystay, waayo, ciddii uu taageerayay baa guuldarraysatay sababaha sare awgood. Dhanka kale, Iiraan waxa ay joogtaa guul. Waayo, Iiraan dagaalka toos ugu ma jirto, haddana waa ay dagaalameysaa oo Israa’iil dhib badan bay u gaysanaysaa, iyada oo Xamaas, Xisbullah iyo Xuutiyiiinta taageero siinaysa.

Xigasho: Idiris Cascas