Shirka waxbarashada Qaranka oo la soo gabagabeeyey

Wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska Somaliland Mudane Axmed Aadan Buuxane, ayaa soo xidhay shirweynihii toddobaad ee waxbarashada Qaranka JSL, kaas oo muddo laba maalmooda ka socday magaalada Hargeysa.

Wasiirka ayaa u mahadceliyay hay’addaha caalamiga ah ee kala shaqeeya arrimaha horumarinta waxbarashada Somaliland, waxaanu ku boggaadiyay gacanta ay markasta ka geystaan adeegbixinta waxbarasho ee dalka.

Sidoo kale waxa uu sheegay in midha dhalka shirkani uu yahay tayaynta iyo sidii loo fidinlahaa adeeg-bixinta waxbarasho ee dalka, waxa uu xusay in ka wasaarad ahaan ay ka go’an tahay fidinta cilmiga inay gaadhsiiyaan meelkasta.

Geesta kale wasiirku waxa uu sheegay inay gacanta ku hayaan 800 oo degaan, oo aanay gaadhin adeegbixinta waxbarashadu, waxaanu tilmaamey in qorshahoodu yahay sidii goobo waxbarasho ay uga hirgelinlahaayeen, waxa uu intaas raaciyay in ay xooga saarayaan sidii ay u horumarinlahaayeen aqoonta macalimiinta ubadka waxbaraysa.

Gaba-gabadii waxa uu caddeeyay inay wax ka qaban doonaan wixii caqabado iyo godaloolooyin ah ee jira.