Somaliland oo ka qayb gashay Shir Caalami ah oo ka dhacay dalka Jordan

Agaasimaha Waaxda SAKADDA ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Jamhuuriyadda Somaliland Maxamuud Maxamed Abu-Cubayda ayaa Dalka Urdan kaga qayb galay Shirweynaha Caalamiga ah ee “Digital Economy Forum” kaas oo ay soo qaban qaabisay Rugta ganacsiga ee dalka Jordan”Jordan Chamber of Commerce” Taas oo kaashanaysa Rugta islaamiga ah ee Horumarinta iyo ganacsiga “Islamic Chamber of Commerce and Development – ICCD”.

Shirka oo ay ka soo qayb galeen 57 dawladood oo ku midoobay ururka iskaashiga wadamadda islaamka”OIC ayaa lagu lafo-gurey sidii loo Maalgashan lahaa dhaqaalaha casriga ah ee Tiknoolijiyada la xidhiidha iyo weliba sidii loo kobcin lahaa dhaqaalaha wadamada soo koraya,waxana shirkalagu daah furay Tartan caalami oo ku saabsan dhaqaalaha Digitalka ah.

Ugu dambayntiina Maxamuud Maxamed Abu-Cubayda Agaasimaha Waaxda SAKADA ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Jamhuuriyadda Somaliland ayaa madaxdii shirkaa kasoo qayb galay la wadaagay fursadaha Maalgashi ee Somaliland ka bannaan .