Maxaa ka dhacay Caawa Magaalada Ceerigaabo?

Badhasaabka Gobolka Sanaag Axmed Cabdi Muuse, ayaa sheegay in ciidanka Boooliska gobolka oo gacan ka helayey qaybta saddexaad ee Ciidanka Qaranku ay fashiliyeen qorshe abaabulan oo lagu doonayey in lagu khalkhalgeliyo ammaanka gobolka Sanaag.

Badhasaab Axmed Cabdi Muuse oo u warramayey Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA, ayaa uga mahadceliyay ciidammada qaranka inay ka hor tageen koox doonaysay inay ammaanka magaalada Ceerigaabo iyo gobolka Sanaag ka aloosaan falal amni darro.

Badhasaabku waxa kaloo uu soo dhaweeyay weeyeel iyo waxgarad maamulka gobolka Sanaag iyo ciidammada booliska iyo kuwa qaranka kala shaqeynayey dhicisaynta kooxdaas iskudayey inay rebshado ka sameeyaan magaalada Ceerigaabo.

Axmed Cabdi Muuse wuxuu shacbiga reer Ceerigaabo ku booriyay inay meel uga soo wada jeedaan cid kasta halis ku ah nabadgelyada Ceerigaabo iyo deegaannada gobolka Sanaagba.

Waxaanu tilmaamay in loo baahan yahay Ceerigaabo mid ah iyo gobolka Sanaag oo isku duuban.