Wasiirka Maalgashiga Somaliland oo la kulmay suxufiyiin Itoobiyaan ah

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha ee JSL Mudane Abdirisaaq Ibraahim Mohamed ayaa maanta suxufiyiin ka socday Warbaahinta Itoobiya uga warramay Fursadaha Maalgashii Ee Dalka Yaala Iyo Xidhiidhka Wanaagsan ee ka dhexeya Somaliland & Ethiopia.

Wasiirku wuxuu xarunta Wasaaradda maanta ku soo dhaweeyay suxufiyiin ka socday qaar ka mid ah warbaahinta Itoobiya, kuwaasi oo Hargeysa kaga qaybgalay xafladihii debaal-dega sannad guurada 33-aad ee ka soo wareegtay dib ula soo noqoshadii madaxbannaanida Somaliland ee 18ka May.

Suxufiyiintan oo kala ahaa Mr. Desta Gebra oo ka socday wargeyska The Ethiopian Herald iyo Addis Assefa oo ah suxufi caan ah oo soo saara filimada dukumentariga ah,

Waxaana Wasiirka Soo Dhaweynta Suxufiyiinta Ku Wehelinayeey Agaasimaha Waaxda Xidhiidhka Dadweynaha Iyo Warbaahinta Ee Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha ee JSL Mudane Ibraahim Cali Axmed Iyo Faadumo Oo Ka Socotey Wasaaradda Arimaha Dibadda.

Wasiir Abdirisaaq Ayaa Sharaxaad Dheer Ka Siiyeey Warshadaha Wax-soo-saar Ee Dalka

Geesta Kale Wasiirka Ayaa Ku Dheeradey Fursadaha Maalgashii Ee Yaala Dalka Iyo Iskaashi Horumara oo ka Hirgalla Labbada Dawladdood

Gaba-gabadii Wasiirku waxa uu Suxufiyiinta ka socday Itoobiya Siiyeey Wareysii Dheer Oo Dhinacyo Badan Tabanaya.