𝐗𝐢𝐝𝐡𝐢𝐢𝐝𝐡𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐢𝐲𝐨 𝐈𝐭𝐨𝐨𝐛𝐢𝐲𝐚 oo xoogaystay

Hargeysa(GNA)Wasiirka Warfaafinta ahna Afhayeenka Xukuumadda JSL Md. Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan), ayaa sheegay in heshiiskii isfaham ee Somaliland iyo Itoobiya uu marayo heer gabogabo ah isla markaana uu ka soo bixi doono wax lagu farxo oo dan u ah labada dal.

Wasiirka Warfaafintu waxa kaloo uu caddeeyay in iskaashiga ganacsi, adeegsiga dekedda Berbera uu kor u kacay.

Sidoo kale wuxuu sheegay in Itoobiya ay wakiilkii u fadhiyay Somaliland rasmi ahaan uga dhigtay “safiir buuxa”. Waxaanu sidaas ka sheegay waraysi uu siiyay laanta af Soomaaluga ee BBC-da.

“Khudbadii madaxweynaha Somaliland ka jeediyay munaasibadii 18ka May waa kii kaga dhawaaqay in safiirkii Itoobiya u joogay Somaliland loo dalacsiiyay safiir buuxa. Arrintaasi waa mid rasmi ah,” ayuu yidhi Wasiir Cali Mareexaan.

Wasiirku wuxuu intaas ku ladhay “30kii sannadood ee u dambeeyay xidhiidh qotodheer bay lahaayeen sida mid amni iyo ganacsi. Waana dalka xudduuda ugu dheer la leedahay Somaliland. Xudduuda aanu Soomaaliya la leenahay waxa ka dheer ta Itoobiya.sidaas awgeed, wax badan baa iskaga kaaya xidhan dhinaca siyaasadda iyo amniga wax waliba way iskaga ka xidhan yihiin Itoobiya.”

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyigelintu Waxa kaloo tilmaamay in Soomaaliya oo aanay wax dawlad ahi ka jirin ay ku doodeen inay xidhayaan safaarada Itoobiya ay ku leedahay Caasimadda Somaliland ee Hargeysa, taasina ay ahayd riyo dhalanteed ah.

 

“Soomaalidu waxay tidhaa gacan aanad go’yn karayn waa la dhunkadaa ee Soomaaliya inta ay leedahay waxaanu xidhaynaa wax aanay xidhi karayn inay si saaxibtinimo ah ula dhaqmaan Somaliland iyo Itoobiya ayey ahayd,” ayuu yidhi Wasiirku.

Wasiirka Warfaafintu wuxuu caddeeyay in heshiiskii isfaham dhammaytirkiisii gabogabo yahay oo ay ka soo bixi doonto dhawaan wax lagu farxo oo ay ku jirto masaalixda labada waddan.