Shir ku saabsan adkaynta amniga Guud ee Gobolka Sanaag oo ka qabsoomay Xafiiska Gudoomiyaha Gobolka Sanaag

CEERIGAABO 20-05-2024(GNA)- Wasiiradda Wasaaraddaha Horumarinta khayraadka Biyaha, Hawlaha guud iyo Guryaynta, Horumarinta Caafimaadka , Horumarinta Kaluumaysi, JSL, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Cadaalada ahna Masuuliyiinta kaga qaybgalay magaalada Ceerigaabo Qaban-qaabada Xuska Maalinta Qaranka ee 18 May,

ayaa kulan Ballaadhan oo ku saabsan adkaynta iyo xoojinta amniga guud ee Gobolka Sanaag laqaatay Maalintii 2aad guddida nabad galyada Gobolka iyaga oo shacabka kula Dardaarmay inay aad u ilaaliyaan Amiga gobolka iyo sidii ay Dadku ugu Wada noolaanlahaayeen nabad galyo ,

Kulankan mihiimka ayaa waxa uu ka qabsoomay Xafiiska Gudoomiyaha gobolka sanaag,

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta khayraadka Biyaha ahna Gudoomiyaha 3aad ee xisbiga kulmiye Dr Sulayman Yusuf Cali koore ayaa faray Taliyayaasha guud ee Ciidamada qalabka sida, in la xoojiyo amniga Gobolka si looga hortago Dhibaato kasta oo ay keeni karto Amni daradu,

iyadoo shacabka Gobolka sanaag ay nabad ku seexdaan, nabadna ku soo toosaan, hadana cadawgu wuxuu ka xunyahay horumarka iyo nabad-gelyada ay ku faanto Ceerigaabo iyo gobolka sanaagba , taasoo ku timi Iskaashiga shacabka wanaagsan ee reer sanaag iyo Dowladooda,

Xafiiska Warbaahinta iyo Xidhiidhka Dadwaynaha ee Wasaaradda Horumarinta khayraadka Biyaha JSl.