Madaxweynihii Iiraan wuu dhintay

Madaxweynihii dalka Iiran Ibraahim Raiisi, wasiirkiisii arrimaha dibadda Xuseen Amiir-Cabdollahian iyo mas’uuliyiin kale ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen diyaarad Axaddii shalay ku burburtay waqooyi-galbeed ee dalka Iran.

Diyaaradda ayaa ahayd nooca qumaatiga u kaca ee helicopter-ka loo yaqaanno, waxaana ay ku dhacday dhul buuraley ah, xilli cimiladu ahayd mid aad u liidata.

Saacado badan ayuu qaatay baadhitaan ku saabsan helitaanka burburka diyaaradda, iyadoo caqabadda ugu weyn ay noqotay ceer-yaamo ka jirtay dhulka buurleyda ah ee shilku ka dhacay.

Ibraahim Raiisi, isagoo 63 jir ah, ayaa loo doortay madaxweyne isku daygiisii labaad sanadkii 2021-ka. Waxaa loo arkayay wadaad mayal adag, waxaana sidoo kale loo arkayay inuu ahaa nin bedeli kara Ayatollah Khamenei, oo ah hoggaamiyaha ugu sarreeya dalkaas tan iyo 1989-kii.

Sannadkii 2019-ka, Hoggaamiyaha Sare waxa uu u magacaabay jagada ugu awoodda badan ee madaxa garsoorka.

Raiisi ayaa sidoo kale noqday guddoomiye ku xigeenka Golaha Khubarada, oo ah 88 xubnood kana tirsan guddiga wadaaddada ah ee u xilsaaran doorashada hoggaamiyaha sare ee soo socda.