Agaasime Mustafe Shiine oo la kulmay Suxufiyiin Caalami ah

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland Mustafe Cabdi Ciise (Shiine) ayaa maanta suxufiyiin ka socday Warbaahinta Itoobiya uga warramay sooyaalkii siyaasadeed ee JSL iyo taariikhda warbaahinta dalka.

Agaasime Mustafe Shiine wuxuu xarunta Wasaaradda maanta ku soo dhaweeyay suxufiyiin ka socday qaar ka mid ah warbaahinta Itoobiya, kuwaasi oo Hargeysa kaga qaybgalay xafladihii debaal-dega sannad guurada 33-aad ee ka soo wareegtay dib ula soo noqoshadii madaxbannaanida Somaliland ee 18ka May.

Suxufiyiintan oo kala ahaa Mr. Desta Gebra oo ka socday wargeyska The Ethiopian Herald iyo Addis Assefa oo ah suxufi caan ah oo soo saara filimada dukumentariga ah, waxa Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta Somaliland uga warramay marxaladihii kala duwanaa ee ay soo martay Jamhuuriyadda Somaliland.

Agaasimuhu wuxuu sheegay in Somaliland ay ahayd dalkii 12aad ee afrika ee 26 June 1960kii xornimadiisa ka qaatay boqortooyada Ingiriiska, iyadoo aanay Soomaaliya ka xoroobin gumaystihii Talyaaniga.

Sidoo kale, waxa uu faahfaahin ka siiyay burburkii iyo dhibaatooyinkii ay shacbiga Somaliland kala kulmeen xukuumadihii kala dambeeyay ee Soomaaliya.

Agaasime Mustafe Shiine wuxuu u sharraxay suxufiyiintaas dib u dhiskii iyo sidii ay Somaliland uga soo kabatay hadimooyinkii iskugu jiray naf iyo maal ee ka soo gaadhay midowgii Soomaaliya.

Gabogabadii Agaasimuhu waxa uu Suxufiyiinta ka socday Itoobiya uga warramay taariikhda dheer ee warbaahinta Somaliland isagoo xusay in idaacada Radio Hargeysa la aasaasay 1942, isla markaana ay tahay idaacada ugu da’weyn idaacadaha ku hadla Afka Soomaaliga.

Suxufiyiinta Itoobiya waxa ay soo indho-indheeyeen qaybo ka mid ah wasaaradda warfaafinta, gaar ahaan idaacada Radio Hargeysa.