Wasiirka Warfaafinta oo ka Hadlay Farriimo Muhiim ah oo Guddida Qaban Qaabada 18 May u direen Shacbiga

Wasiirka Warfaafinta oo ka Hadlay Farriimo Muhiim ah oo Guddida Qaban Qaabada 18 May u direen Shacbiga

 

Hargeysa -(GNA) Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland, isla markaana xubin ka ah guddida heer qaran ee qaban qaabada xuska maalinta qaran ee 18-ka May Mudane Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan) ayaa maanta shacabka la wadaagay farriintii u danbaysay ee ka soo baxda guddidooda taas oo xanbaarsanayd qodobbo ay doonayaan in lagu muuneeyo xuska munaasibadan qiimaha ku leh quluubta ummadda Somaliland.

Wasiirku wuxuu ugu horayn u hambalyeeyay guud ahaan shacabka Somaliland ee sida miisaanka leh isugu diyaariyey debaal dega maalinta qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland, waxaanu sheegay inay wax lagu farxo tahay in deegaan kasta oo dalka ka tirsan uu ka ba’banayo calanka iyo astaamaha qaranku leeyahay, Wasiirku waxaa kale oo uu ilaahay ka baryay inuu sannado badan innagu gaadhsiiyo innagoo u debaal degayna munaasibadda 18-ka May.

Wasiir Cali Mareexaan waxa kale oo uu ka hadlay farriinta u dambaysa ee ay guddidooda qaban qaabadu u dirayaan ummadda Somaliland si ay wada jirkooda u muujiyaan, isla markaana dunida inteeda kale mid ina jecel iyo mid ina neceba aynu mawqifkeenna u gaadhsiino, isagoo arrintaas ka hadlayayna waxa uu yidhi “Farriintayada kowaad waxay tahay hala sii xoojiyo oo ha la sii laba laabo diyaargarowga iyo debaal dega xuska 18-ka May, Sidoo kale nabadgalyada guud ha la ilaaliyo qof kastaana naftiisa ha ilaaliyo ta guud ee qarankana ha dhawro, hana laga feejignaado cid kasta oo wax innaga xumayn karta, Waxaa kale oo aan ummada u sheegaynaa inay ilaaliso anshaxa guud maadaama aynu nahay dad islaam ah, markaa debaal degeenu yaanu keenin wax diinteenna iyo dhaqankeenna xumaynaya,’’ ayuu yidhi Wasiirku.

Dhinaca kale Wasiirka warfaafintu waxa uu sheegay in sharafta ugu weyn ee la gaadhaa ay tahay inaad ahaato qaran is maamulaya waxaanu yidhi ‘’Haddii aanad qaran ahayn oo aanad madax bannaanayn oo taladaada ay cid kale kuu maamulayso sidii hore inoogu dhacday markii aynu shanta Soomaaliyeed doonaynay, waxay keenaysaa inan yar oo qayrkaa ah inuu kuu taliyo. markaa waxaa wanaagsan inaad adigu talada lahaato’’

Wasiirka oo hadalka sii watayna wuxuu intaas ku daray ‘’ 30 Sannadood Soomaaliya ayaynu ku jirnay, 33 Sannadoodna dawlad gaar ah ayaynu nahay, faa’iidada aynu helnay qof kasta oo dalka joogaa wuu garanayaa, haddaad maqashaan dhallinyaradii UFFO ee aqoon yahanka ahaa waxay ka dhiidhiyeen dhib ka jirtay Cisbitaalka guud ee Hargaysa waxay isu xilqaameen inay dadka si iskaa wax u qabso ah ugu daweeyaan, qofka Cisbitaalka ku xannuunsada waxaa la odhan jiray Xamar ha loola cararo taas oo Hargaysa u jirta 2500Km isla markaana diyaarad iyo gaadiidkuba ay yaraayeen, Markaas is xilqaankaas ay sameeyeen ayaa keenay in la qabqabto markii danbena waxaa lagu xukumay dil toogasho ah.”

Wasiirka warfaafinta, ahna afhayeenka Xukuumadda, ayaa ummada Somaliland dal iyo dibadba meel ay joogaan waxa uu ka dalbaday in xuska sannadkan ee munaasibadda 33 Guurada ka soo wareegtay dib ula soo noqoshada madax bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland ay u xusaan si ka duwan sidii sannadahii hore isla markaana ay fariin midaysan gaadhsiiyaan dunidda.”