Heshiiska Itoobiya Waxa Aynu Ku Helaynaa Ictiraaf Aynu Aduunyadda Kaga Mid Noqono” Wasiirka Maaliyadda JSL  

Hargaysa -(GNA)Wasiirka wasaaradda horumarinta Maaliyadda Somaliland ayaa sheegay in heshiiska Somalilad iyo Itoobiya ay Somaliland ka dhaxlayaan wixii ay raadinayeen mudada 33-ka sano, kaasi oo ah Ictiraaf ay dunida kaga mid nqodaan.

Wasiirka wasaaradda Maaliyadda Somaliland ayaa sidan ka sheegay, waraysi ay la yeesheen muuq baahiyaha Qaranka Somaliland, taasi oo la waydiiyay heshiiskii Somaliland iyo Itoobiya halkuu ku danbeeyay, wasiirka ayaa kaga jawaabay in wax kastaa ay u socdaan sidii loogu talogalay, Somalilandna ay ka faa’iidi doonto heshiiskaasi.

Wasiirka wasaaradda Maaliyadda Somaliland ayaa sheegay in wax kastaa aanay ku bilaabmin kuna dhamaan sidii loogu talogalay, balse ay duruufo soo bixi karaan oo ay dib u dhigi karaan, balse waxa uu sheegay in heshiiskii Somaliland iyo Itoobiya uu meel fiican marayo kuna dhamaan doono sidii loogu talogalay.

Wasiir Sacad Cali Shire ayaa sheegay in Somaliland ay heshiiskan ku helayso wixii ay raadinaysay ama ay baadi-goobaysay mudada 33-ka sano ah oo ah Ictiraaf iyo inay dunida ka mid noqoto, waxaanu intaasi ku daray inay ka xukuumadda ahaan rajaynayaan in weliba dalal kalena ay ku dayn doonaa marka ay Itoobiya aqoonsato Somaliland waxaanu yidhi

“Horta inta badan waxna kumana bilaabmaan kumana dhamaadaan sida loogu talogalay marka hore, waayo duruufo ayaa iska soo baxaya, laakiin sidaan rajaynayno si fiican ayuu u hirgalayaa.

Wxaynu doonaynay 33 sanadood baynu ku helaynaa, waxaynu ku helaynaa aqoonsi bahda caalamka aynu ka mid noqono, waxan rajaynayaa in wadamo kalena ay ku soo dhiiradaan oo marka ay Itoobiya ina Ictiraafto ay iyaguna ina Ictiraafaan”.