Dadka ku dhintay kuwa ku dhaawacmay Shilalka Gaadiidka ee Cisbitaalka Hargeysa sheegay

Cisbitaalka guud ee magaalada Hargeysa, ayaa ka hadlay tirada shilalkii la soo gaadhsiiyay shanti bilood ee u danbeyay, kuwaas oo ka dhacay degaanada ku teedsan magaalada Hargeysa.

Cisbitaalka guud ee magaalada Hargeysa ayaa sheegay in sannadkan 2024 cisbigtaalka la soo gaadhsiiyay 782 shil, kuwaas oo sababay dhimashada 35 qof

Sidoo kale warbixintan ka soo baxday cisbitaalka guud ee magaalada Hargeysa, ayaa lix qodob sabab u dhigey shilalka tirada badan ee dhacaya, waxaaney xuseen Xawaaraha gaadiidka lagu kaxaynayo oo sarreeya, caafimaadka indhaha oo aan wanaagsanayn, gaadiidkii oo isku dhaafaya in la isku dhaafo meel aan ku habbooneyn, mukhaadaraad badan oo la isticmaalay, waddooyinka oo qaarkood ciladeysan yihiin, gaadiidka la isticmaalayo oo aan ku haboonayn wadayashada.

Gaba-gabadii warbixinta ka soo baxday cisbitaalka guud ee magaalada Hargeysa, waxa ay xustay in tirade dhimashada iyo dhaawaca ee soo gaadha ay u badan yihiin haween, waxaaney warbixintu intaas ku dartay in xilliyada ugu badan ee shilalku dhacaan ay tahay aroorta hore iyo xilliga caraabaha ama galab dhaca.