Sweden oo soo saartay sharci walaac ku abuuray Soomaalida

Dalka Sweden ayaa soo saaray sharciyo cusub oo ammaanka lagu sugayo, ka dib markii ay bateen falalka danbiyada abaabulan ee wax laga saarayo dadka ajnabiga oo ay Soomalida ku jiraan.

Sharcigan oo uu dhawaan ansaxiyey Baarlamaanka Sweden ayaa lagu wadaa in uu dhaqan galo 25 bishan April, waxaana wixii xilligaas ka dambeeya laamaha amaanku awood u helayaan in ay samaystaan baro kaantarool oo dadka iyo gaadiidka lagu baaro.

Wadanka Sweden oo lagu tirin jirey mid ka mid ah dalalka ugu xasilloon Yurub, ayaa waayahan dambe ka eed-sheeganayey qalalaase dhanka amniga ah oo badanaa wax laga saaro dhallinyaro qowleysato ah oo badankood ka soo jeeda dadyow soogalooti ah.

Bulshada Soomaaliyeed ee dalkaas ku dhaqan oo BBC-da la hadlay ayaa dareen isku dhafan ku cabbiray sababta keentay in Booliska la siiyo awoodo dheeri ah iyo saameynta ka dhalan karta.

Alma Aaden oo ka mid ah Soomaalida Sweden ayaa tillaabadan u aragta mid looga jawaabayo daruufo jira, islamarkaana xakameynayo xaaladda amni ee faraha ka sii baxaysa. Waxayse walaac ka muujisey in awoodda sharciga si khaldan loo isticmaalo oo qolo gaar ah lagu beegsado.

Kaahin Axmed oo ka mid ah Soomaalida ku nool caasimadda Stockholm ayaa dhankiisa qaba in sharcigan yahay mid laga soo minguuriyey dalka Denmark oo salka ku haya siyaasado ku saleysan shisheeye nacayb. Wuxuuse rejo ka muujiyey in haddii sharciga lagu dhaqmo, ay suurtogal tahay in looga raysto falal dambiyeedyada abaabulan ee magaalada gilgiley.