Somaliland:Maalinta Dhir Beerista Qaranka iyo Shirkadda Telesom

Shirkadda Telesom Group ayaa si weyn uga qaybgashay maalinta dhirbeerista ee Somaliland. Xuska maalinkan ayaa sannad walba ka dhaca guud ahaan dalka. Maamulka iyo shaqaalaha Telesom Group oo ka qayb qaadanaya xuska maalinkan ayaa dhirbeeris ka sameeyay qaar ka mid ah xarrumaha magaalada Hargeysa.

Sidoo kale shirkadda ayaa ka qaybgashay xuska maalinkan oo ka dhacay xarrunta dhir kobcinta ee Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada, oo ay goob joog ka ahaayeen Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Marwo Shukri H. Ismail Baandare, qaybo ka mid ah golaha wasiirrada iyo maayirka caasimadda.

Telesom Group ayaa halkaasi kula wareegtay 1000 geed oo ay shirkaddu ka beeri doonto xuramaha kala duwan ee shirkadda iyo goobaha taawarrada ee guud ahaan dalka.

Telesom ayaa sannadkan ku guuleystay shahaadooyin caalami ah oo la xidhiidha tayada adeegyada ay u hayso bulshada. Waxa xusid mudan in shahaadooyinkaasi ay ka mid tahay ISO 14001 oo ay ku mutaysatay maaraynta deegaanka.