Madaxweynaha Somaliland oo ka Qaybgalay Aas Qaran oo lagu sagootiyay Marxuum Abiib Timacad

Hargeysa(GNA)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo ka qayb-galay Aas Qaran oo loo sameeyey Marxuum Mujaahid Abiib Diiriye Nuur (Abiib Timacad) oo ku geeriyooday Dalka Jarmalka balse maanta la keenay laguna aasay Xabaalaha Baqiic ee Hargeysa.

Waxa Aaska Marxuumka ka qaybgalay masuuliyiin kala duwan oo isugu jira Xildhibaano, wasiiro, siyaasiyiin, asxaabta Qaranka, madax-dhaqameed, aqoonyahano, waxgarad iyo bulshada qaybeheeda kala duwan oodhan.

Marxuumka aya ku geeriyooday Cisbitaal ku yaalla Dalka Jarmalka, halkaasoo xaalad caafimaad loo geeyey.

Waxa uu ahaa siyaasi nololshiisa intii badnayd ku soo qaatay siyaasadda, isagoo xilal wasiirnimo ka soo qabtay xukuumaddihii dalka soo maray.