Bandhiga Buugga laga qoray Abwaan Cabdi Cali Weyd

Jimcaha ayaa buug laga qoray suugaanta Abwaan Cabdi Cali Weyd lagu soo bandhigaya Hargeysa.

Abwaanku waxa uu Dhashay 1944 waxa uu geeriyooday 1981 isagoo 37 jir ah, hadana wuxuu ka tagay suugaan aad u culus oo gashay kaydka Suugaanta Soomalida.

Aan idin la wadaago

Qaybo aan ka soo xigtay

 

SUUGAANTII CABDI CALI WEYD!!!

Waa laga yaabaa in dadka qaarkii is waydiiyo maxaa ka dhexeeya Abwaan Cabdi Cali Weyd iyo magaalada Hargeysa. Ka sokow in uu ahaa Hargeysaawi ku dhashay, kuna godgalay magaalada Hargeysa, waxaa uu ahaa abwaan mufakar ah oo suugaan kal iyo korba cullan u hibeeyey oo ku maamuusay magaalada caanka ah ee Hargeysa. Abwaan ahaan Cabdi Cali Weyd Alle ha u naxariistee, waxa uu ahaa mid ka mid ah dhidibadii u mudnnaa ee uu ku taagnaa masrixii somaliga ahaa ee badhtamihii qarnigii labaatanaad ka hana-qaaday guud ahaan dalkii somaliya la isku odhan jiray. Dhab ahaan waa mid ka mid ah hurmuudkii miiri jiray miida badaha maanso waagii suugaanta iyo masraxa somaligu caadaa marayey. Karti ahaan abwaan Cabdi Cali Weyd Rabbi naxariistii jano ha ka waraabiyee waxa uu ahaa, hal-abuure hab-farsamo-suugaameed isaga ugaar ah inta uu u adeegsado wax qabadkiisa suugaameed, dabeetanna tii oo hufan oo haadsan soo hordhiga bulshada. Taa waxaan marag uga dhigan karaa, wax-qabadkiisii suugaameed ee manta aduunka inagula nool. Tani waxa ay I gayeysiisay in aan ka mid noqdo dhalinyarta aan ifka ku soo gaadhin abwaanka haddan kalgacayl iyo xiise aan la koobi Karin uqaaday fanka iyo suugaanta xigmada iyo murtida xanjeeran ee abwaan Cabdi Cali Weyd. Aniga oo aanay ahayn abaarta qormadaydani in aan kaga hadlo shakhsiyadii iyo kartidii abwaanimo ee Cabdi Cali Weyd bal aynu wax yar ka soo qaadano wax-qabadkiisii suugaameed ee aaan duugoobin ee ilaa hada lagu xasuusto abwaanka; aan ugu horaysiiyo heestii wacdaraha ka gaysatay silsiladii deelay ee

DACAWAA CIR KU ONKODAY.

Dhanka riwaayadaha aan ilaa hada la ilaawin waxaa ka mid ahaa;

Ø Nin qasbaaya jacayl ma loo quudhi karaa ,

Ø Sodohdaa ku jeclaatay sidee looga baxaa,

Ø Ilbax-dhaafnaye allow noosahal.

 

Geesta heesaha tuman waxa uu ku lahaa heeso aanay badi bulshadu ka xiiso-goyn, kuna luuqeeyaan kuwo ka mid ah haldoorkii heesaaga somalidu;waxaan ka xusuustaa: –

 

Ø Allahayow haween daa; codkii maxamed M. Cige @Busi

 

Ø Timo haldhaalay; codkii Cabdinnuur Allaale

 

Ø Baddu inay madodahay; codkii Axmed Cali Cigaal

 

Ø Awrkii cirka; codkii Khadra daahiir cige

 

Ø Suul dhabaale ; Cabdiraxmaan Dheere iyo Sahra axmed jamac

 

Ø Allahayow nafsaarleeya; Shamsa Cumar

 

Ø Qadar dhacay; Sahra Axmed Jaamac

 

Ø Ma jidkii siraadbaa; Cabdiraxmaan Dheere iyo sahra axmed

 

Ø Doonidii jacaylka ; Maxamed Dheere iyo

 

Ø Sida wagan gammaan; sahra axmed

Ø iyo qaar kaloo badan.. badan .. badan oo dhamaantood ba ah xul-suugaameed uu ka buuxo fan, dhaqan iyo waayo-aragnimo ba. Dabayaaqadii qarnigii tagay ee labaatanaad ayuu abwaanku alifay hees dhaxal-gal ah oo uu ku maamuusay magaalada Hargeysa. Heeskan haragysa waa heesaha dareenka galiya guud ahaan dadka Soomaalida, si gaar ahanna Hargeysaawiga laxaw iyo xiise hor leh ku abuura. Waxaa la yaab leh sida farshaxanimada leh ee uu abwaanku heeska u falkiyey ee uu ugu ereyo-dooray, islamarahaantaana uuga run sheegay magaalada Hargeysa oo ka mid ah magaalooyinka ugu caansan dhulka somalidu degto.waxaa xusid mudan sida hal-aabuurnimada leh ee quruxdasan ee uu abwaanku u curiyey hooriska ama hal-qabsiga (chorus)heesta. Wuxuu yidhi isagoo tilmaamaya Hargeysa :-

 

Hoobaallayeey gabayga

 

Way ugu horaysaa

 

Dalka horumarkiisaad

 

Adna ugu horaysaa

 

Bal hadda eeg xirfadda iyo waayo-aranimada qaniga ah ee uu abwaanku adeegsaday si uu inooga dhaadhiciyo fikirkii iyo falsafadii qafeed ee uu rabay in uu inoo sheego. Waa sadaro qurux fanneed iyo suugaameed lagu majeeran karo. Hees guud ahaan waxaa loo qaybinkaraa dhawr qaybood mid kastaa ba ka hadlayso arin u gaar ah sida halka ay dhul ahaan ku taalo,cimiladeedda, kaalinteeda magaalonimo iyo xalliibnaanteeda magaalo ahaan. Marka hore waxa uu abwaanku ibafur ka dhiganayaa oo ku bilaabayaa heesta , tuducyo si qurxoon u tilmaamaya bugcada dhul ee uu ilahay ku abuuray magaalada Hargeysa, kadib waxa uu raacsanayaa sallaan iyo hambalyo, waxaanu yidhi:

 

Halka aad ku taalliyo

 

Habkan uu illaahay

 

Buuraha hareeraha

 

Kuugu soo hadheeyey

 

Hambalyiyo sallaan wacan

 

Anaa kuu hibeeyey,

 

Waa run Hargeysa inta badan waxaa hadheeya oo ku meersan buurha loo yaqaan silsilada goliska; kuwaas baan is idhi abwaanku iyagaabu sheegayey malaha. Haddana waxa uu meerisyo kale si xarago leh ugu xaqiijinnayaa in ay magaalada hargaysi tahay magaalo aan lagu ogayn cimilooyinka diiqada galiya dadka , laguna majeerto hawo wacnnaan iyo raaxo ba, magaalooyinka qayrkeed na aanay kula tartami Karin dhinacaa, sawka leh;

 

Hanfi iyo kullayliyo

 

Wax naftaadu hiifto

 

Taan laga helleyneey

 

Tii hadhac qabawiyo

 

Hawada ba badnaydeey

 

Hoygii caafimaadkaay

 

Hodan iyo barwaaqiyo

 

Haqa-beelka raaxada

 

Tii looga hadhayeey,

 

Sida bayd kan oo kale mar kastoo oo uu bayd ka mid ah heestu soo gabo –gaboobaba waxaa galbinaya halhayskii (chorus) layaab lahaa ee heesta. Waa hooris soo dareen jiidaya oo soo sasabaya dhagaystaha heeskan. Aan ku sii socdo meerisyada kale ee heeska; fulle xantii ma moogee, sida qaalibka ah waxaa magaalada Hargeysa lagu suntaddaa HOYGA FANKA IYO SUUGAANTA soomaalida. Arintaa ayuu abwaan cabdi ku soo qaadanayaa baydadkan soo socda. Bal hada waxaad hubsataa oo ka fakartaa awooda curinneed iyo kartida fanned ee abwaanku inoogu soo gudbinayodareenkaa. Waxa uu ka markhaati kacayaa in ay hargaysi afka koriso, abwaanka iyo fannaanka u roontahay guudahaana fanka iyo dhaqanku ku bar baaro kuna taabo-galo.

 

Maskax haddalka curisiyo

 

Fanka hooyadeedeey

 

Hal-abuurka midhihiyo

 

Heesaaga koriyaay

 

Inta hoobal kuu kacay

 

Annaa kuu hibeeyey ,

 

Hargeysa ayuu abwaan Cabdi Cali Weyd alle ha u naxariistee hadba dhinac ka daalacanayaaye , bal hadda markanna ha eego dhanka bulshada. Waxa uu abwaanku mid ba mar wax ka odhanayaa si kooban oo xeel-dheeer saddex goosan oo ka mid ah qaybaha bulshada ee magaalada Hargeysa sida dhalinyarada, hablaha iyo odayaasha magaalada, waxaanu yidhi isaga oo ku horaynaya dhanka dhalinyarada Hargeysa:

 

Dhalinyaro hareeriya

 

Hanshaarka suuqyada

 

Tii laga helaayaay,

 

Hablo jalaq-san iyo qaar

 

Ku hagoogta quruxdaba,

 

Tii lagu hubsadayeey

 

Garta odayo hubiyoo,

 

Haasaawo ruuganna,

 

Hore tii u lahaydeey.

 

Xusuusnow markasta oo abwaanku inoo mariyo bayd ka mid ah heesta waxa uu ku sii billayaa quruxdiisa hooriskii macnahaguud ee heesta soo kobsanyay ee ahaa:

 

Hoobaalayeey gabyga

 

Way igu horaysaaa,

 

Dalka horumarkiisaad

 

Adna ugu horaysaa

 

Marka haddana waxaa uu abwaanku si xirfad-suugaameed leh inoogu cadaynayaa sida Hargeysa looga haqablaayahay cunto iyo sida uu ugu soo xiiso magaalada Hargeysa qofka mar ay hargaysi martido.

 

Xoolaha sidii haro,

 

Kugu soo hurmanaayoo,

 

Caanahaa hadh iyo subax ,

 

Qof waliba ka haagaa

 

Nin kuu hoyday laba jeer,

 

Ku hilmaami maayee

 

Qiyaastii 5km ayuu magaalada ka durugsanyahay gagada diyaaradaha ee Hargeysa ee hada loo yaqaan CIGAAL INTERNATIONAL AIRPORT,sidoo kale jog aad u dheer ayuu garoonku ka sareeyaa magaalada lafahaanteeda. Jidka dheer ee taga madaarkana waxaa dadka reer hargaysi u yaqaanaan JIDKA SHANTA MAYLKA. Sida qaalibka ahna marka aad raacdid jidkan waxaad si guud oo dhamaystiran cidhif ka cidhif u arkaysaa magaalada Hargeysa, waana figta u mudan ee aad ka daawan karto magaalada Hargeysa si dhamaystiran inkastoo ay hada aad u balladhatay muuqaal ahaan hargaysi. Arintaa ayuu abwaan Cabdi Cali Weyd kaga hadlayaa tuducan, waxaanu yidhi:

 

Markaad hilinka dheeree ,

 

Shanta maylka haysanna ,

 

Hoobaansi wacanay

 

Xaruntii halbowlaha

 

Dhaqankana hirgalisaay

 

Bal hadda ka waran haddii nasiibku ku similahaa abwaan cabdi in uu maanta ka soo halacsado magaalada Hargeysa jidka shanta maylka ee uu soddon sano ka hor uu ka hadlayey muxuu arki lahaa; magaalo dhinacyada ka fiday oo dhisantay oo aad iyo aad uga muuqal wanaagsan tii uu yaqaanay buu arki lahaa. Ugu dabayntii bal hadda ila yar eeg meeriskan kooban ee uu abwaanku ku soo afmeerayo iyo xeel-dheerida ka muuqata:

Sida heego iyo roob

Ama waqal hilaacaa,

Laguu soo higsanayaa, Hargeysaay

Maanta oo laga joogo in ka badan nusqarni, waagii uu alle ha u naxariistee Cabdi Cali Weyd sidaa lahaa, magaalada hargaysi waa bar kulan lagu majeerto nabad galyo iyo furfurnaan ganacsi kuna kulmeen dhamaan qaybaha kala duwan ee dadka afka somaliga ku hadla , daka inta aan aragna aad ay ugu hanwayntahay. Alle ha u naxariistee, abwaan Cabdi Cali Weyd waa dhaxal maguuraan ah oo uu u hibeeyey magaalada taariikhga ah ee Hargeysa, fac na faca ka dabeeya uu ka dhaxlidoono. Dhinaca kalena waa abaal,xus iyo xusuus ay magaalada hargaysi u hayn doonto abwaanka , jiilna jiilka ka dabeya u tabindoono. Abwaan Cabdi Cali Weyd na alle ha u naxariistee, waa abwaan mufakar ahaa oo ay qofnimadiisii iyo si-aragiisii ba ka dhex muuqdaan dhaxalkiisii suugaameed ee hodan ka ah, tabaruciisana shakhsiga ah na ku lahaa noolaynta hidaha, dhaqanka, suugaanta, afka iyo taariikhda dadka afka soomaliga ku hadlla . sidaas ayay taariikhdu ku xusi doontaa oo gaaxdiisii suugaameed loo durduuran doonnaa inta qof Somali ahi dunida dul yuururo. Fadlan haddii aad abwaankanwax taariikh ah aad ka hayso waaxaan jeclaan lahaa in aan kula wadaago, waxaanad igala soo xidhiidhaa kartaa e-mail ka hoos ku qoran.

Xigasho guuguuleweb.wordpress.com