Wasiir Buuni oo kulan la yeeshay aqoonyahanka Boorama

Wasiirka Wasaaradda Xidhiidhka goleyaasha iyo Arrimaha dastuurka JSL Mudane Cabdinaasir Muxumed Xasan Buuni ayaa Maanta Kulan balaadhan kula yeeshay Hotel Saw ee Magaalada Boorama qaar kamid ah aqoonyahanka iyo Haldoorka bulshada Gobolka Awdal.

Wasiirka ayaa xusay in bulshadani yihiin dadkii qaranimada Somaliland ku suntanaa isla mrkaaan ay yihiin bulshadii Xisbiga Kulmiye Gobolka Awdal Codka ugu badan ku galbiyay doorashadii Madaxtooyada JSL ee 2017-kii haddana ay diyaar u yihiin inay dhisaan Murashaxa Xisbiga Kulmiye ahna Madaxweynaha JSL Mudane Muuse Biixi Cabdi .

kulankaa kadib Waxaa Shir wada qaatay Wasiirka Xidhiidhka goleyaasha iyo arrimaha dastuurka Mr. Cabdinaasir Muxumed Xasan Buuni iyo Suldaanka

Guud Suldaan Cabdiraxmaan Jaamac Dhawal kulankaa ayaa ka dhacay hoyaga suldaanka ee magaalada Boorama.